Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa balan qaaday in dowladiisa ay samayn doonto isbadal balaaran oo ka duwan kuuwii horey looga bartay dowladihii Soomaaliya.
Xili uu Muqdisho kula hadlayay Xildhibaano iyo xubno kale oo dowlada katirsan ayaa Madaxweyne Xasan Sh waxaa uu sheegay in isbadalka uu ku xiran yahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugarab isatagaaan dowladiisa.
“Waxaa kaliya rabaa hal fariin inaan ka gudbiyo oo aan u gudbinayo madaxda dowladda iyo xildhibaanada meesha fadhiya oo ah dhamaantiin waxaa ku mashquulsanahay oo ku jirnaa dowlad dhisida sidii aan u dhisi laheyn heykalkii dowladnimo iyo qeybihii kala duwanaa ee dowladda, wixii aan noo sameysneyn hada aan sameyno, wixii horay noogu sameysnaa dib u habeyn iyo sii xoojin inaan ku sameyno”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waxaan rabnaa inaan qaadno wado cusub oo aan horay loo qaadan, wado aan is leenahay dhexda laga soo noqday ee hala dhameystiro, wado aan ognahay horay inta aan u qaadnay meel cidlo iyo duur inta na geyneyso gadaal aan u soo noqono”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa dhanka kale dagaalyahanada SHABAAB ugu baaqay in ay hubka dhigaan dowladana ay dhinac kasoo raacaan.
AOL, Muqdisho Office


hadal fiican laakiin iska iska kay soo raac sax ma aha ee maxaa ku talagal ah loo hayaa alshabaab iyo dhalinyarada u dagaalamayso waa arrintaa muhiin dib loo eego si dalkeena nabad loogu soo daabaalo waxaan hubaa dhalinyaradii horay uga soo baxay alshabaab haddii si wanaagsan loola dhaqmin i kuwa kale soo galiddooda uu hakad ku imaan karo waxaan jeclaan lahaa si wanaagsan loo qeexo waxa loo qabanaayo dhallinyaradaas la khalday