Hogaamiyaha Kooxda Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in si loo dhan yahay maamul loogu samayn doono goboladda Jubooyinka.
Waraysi uu siiyay Idaacada BBC-da ayaa Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in maamul ay ku mideysan yihiin beelaha Jubooyinka loo samayn doono Jubooyinka ayna taas dhawaan dhacayso.
“Ma ahan in qofba uu si gaar ah ufakaro, maamul ayaa loo samaynaa Jubooyinka taasna waa qasab, maamulkana waxaa u noqon doonaa mid loo dhan yahay”ayuu sheegay Axmed Madoobe.
Dhanka kale waxaa uu kahadlay waxa ay maamulkaas ka ogtahay dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in shirarka maamulka loogu samaynayo Jubooyinka ay ka soconayaan Muqdisho dowladana ay ogtahay.
Arimaha amaanka Kismayo ayuu kahadlay waxaana uu sheegay in xiliyada qaar ay wax dhacaan laakiin laga hortagayo.
AOL Muqdisho Office

Sidoo kale Hogaamiyaha kooxda Raaskaambooni oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida uu u arko shir ay soo qabanqaabiyeen wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaasoo looga hadlayay maamul u sameynta gobollada Jubooyinka iyo Gedo, ayuu sheegay in shirkaasi uu yahay mid haatan bilow ah oo dadka isla dhashay ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo ay ku dhisanayaan maamul ay ku mideysanyihiin, wuxuuna xusay in lagama maarmaan ay tahay in maamul loo dhiso gobolladaasi marka laga saaro Al-shabaab.
madobe dhul dad leeyahay haku mashquline aad meshaa katimid iyo qabridahare kenyo haday tagto sidaadii bad dib ugu noqonane yusuf xaji baa kuwaalee asagu kenya dhafimaye aduu ku hodi faroolana wax kuma tari karoo kas asaaba xanuunsane
wuu saxanyahay sheekhu,dadka jubooyinka iyo gedo waa walaalo ah aan kalamaarmin,walaalayaal maanta fursad ayaan haysanaa ee maamul aan dhisana,hadii kale walaalo isnaca,wey xoolayareeyan weyna xabaalo badiyaan
Sadexda gobol ee kala ah Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Geddo waa layaqaan reeraha degan ayagayna u taal in ay maamul u dhistaan, ee Madaxweyne Xasan Sh. maxamuud, haduu daacad yahay oo uusan Qabiil ku jirin, guryahanagii baa 22 sano xoog lagu heystaa ee haka hadlo marka hore, int aanu Jubooyinka ku mashquulin.
walle maanta hadii aad fahmi weysaan dhagarta ay idin la rabaan qolyahaan xamar jooga waxaad dareemi doontaan maalin aan talo & Tabar toona la heyn. anigu waxaan ka soo jeedaa beesha Mareexaan laakiin waxaad moodaa intooda badan in aysan fahmin xumaanta Xamar taalla waxay u qabaan in la jecelyahay laakiin taasi in ay been tahay waxaad garan kartaa markii aad dhagaysato idaacadaha
reer jubbaland & gedo danahiina inaad ka tashataan idinka ayay dad idinkugu jirtaa ninka CAQIL isku shegay oo kale intuu arimaheena ka hadlayana wax hagaagayo malahan reer muqdisho waxay diidanyihiin in sida puntland oo kale ah oo daarood leyahay inuu ka cunrto koofurta somalia dad u dhashay beesha daarood ayaa loo adegsanaya ee caqligiina ka shaqeysiiya yanan marba shaar la idin galin hadan nahay reer gedo waan tagersahahay mamul u sameynta jubbaland state
Asalamu Alaikum,
Allgedo ninkaan isku magacaabay caqil oo caytamaya maxaa ugu ogolaateen commentkiisa in uu muuqdo.
Cayda waa hubka qofka laga raayo
wabilahi towfiiq