Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa kusii dhawaanayaa degaano katirsan gobolka Sh/Dhexe.
Ciidamdan oo aad uhubaysan ayaa gaaray degaanka Qalimow oo qiyaastii 30KM ujira Magaaladda Jowhar.
Saraakiil katirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay gaari doonaan xarunta Sh/Dhexe ee Jowhar.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa abaabulo dagaal ka wada Magaaladda, iyagoo ugu yeraya shacabka in ay dagaalamaan.
Dad kusugan Jowhar ayaa AOL usheegay in Shabaab ay ciidamo badan dhoobeen gudaha magaaladda ayna bambooyin ku aaseen wadooyinka magaaladda laga soo galo.
Jowhar ayaa kamid ah magaalooyinka yar ee ay haatan Shabaab kaga sugan yihiin goboladda dalka.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.