Wararka ka imaanaya Magaaladda Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas lagu toogtay labo nin oo lala xariirinayo argagaxisanimo.
Ciidanada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay toogteen labo nin oo xariir la leh Al-Shabaab-ka Soomaaliya.
Sidoo kale Waxaa lasoo sheegayaa in Raggaan lagu toogtay Guri ku yaala Xaafadda Majengo ee Magaalada Mombaasa kadib markii Ciidamada Policeka ay Saakay weerar ku qaadeen Gurigaasi oo kooxo hubeysan ay ku dhuumaaleysanayeen.
Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa Taliye ku Xigeenka Ciidamada Policeka ee Gobolka Xeebta Kenya John Gachomo ayaa waxaa uu sheegay in ay ragaan guriga ku haysteen hub kadibna ay isku dayeen in ay fakadaan laakiin ay toogteen
Sargaalkan lagu magacaabo Gachomo ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan lagu soo qabtay labo qof 4 kalena ay baxsadeen.
Waxaa kale oo gacanta lagu dhigay Sedex Bambo oo kuwa Gacanta laga tuuro ah, Bastoolad, iyo 37 Xabo oo Rasaas ah.
Sabtigi shalay ayaa bas kamid ah kuwa ka shaqeeya Mombasa laga helay Bamboa la doonayay in la qarxiyo.
AOL Nairobi Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.