Home » News »

Mudaharaad balaaran oo looga soo horjeedo Qaadka oo dhawaan ka dhici doona magaalada London ee dalka Ingiriiska

Todoba sano kadib markii uu bilaamay olloha looga soo horjeedo qaadka, halgan kaasoo run ahaantii qaatay waqti dheer oo kala haad, Guureyn iyo qaylo dhaan joogta ah kawaday wadankan Ingiriiska ayaa waxaa la sugayaa in dowlada Ingiriisku go’aan ka gaarto sidii qaadka UK laga yeeli lahaa, go’aankaas oo la sugayo inuu soo baxo sanadkan dabayaaqadiisa.

Dhanka kalena, waxaa ka socda dad u dagaalamaya sidii aan marnaba looga joojin qaadka wadankan Ingriiska kuwaasoo u doodaya dhaqaalaha kasoo gala dowladaha dariska la’ ah Soomaaliya iyagoo ay la socdaan Soomaali ka ganacsata qaadka oo iyaguna ku doodaya qaadku waa dhaqanka Soomaalida kana codsanaya dowlada inaan marnaba laga madnuucin qaadka oo ay ku tilmaameen dhaqanka Soomaalida.

Hadaba maxaa looga baahan yahay bulsho weynta Soomalida ah ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska?

Waxaa looga baahan yahay bulsho weynta Soomaaliyeed inay si wada jira ugu istaagaan sidii ay fikirkooda iyo waxa ay aaminsan yihiin usoo bandhigi lahaayeen iyadoo goobtii iyo golahii loo diyaariyey lana abaabulay mudaharaadkii ugu weynaa ee Soomaalida ku dhaqan UK ay soo bandhigto hadii ALLE idmo.

Mudaharaadka waxuu dhacayaa haddii uu Rabbi idmo Khamiis, November 1, 2012
Goobta uu mudaharaadka ka dhacayo waa: Kasoo horjeedka NO 10 Downing Street Westminster, London/England.

Muuji Darenkaaga, cadee fikirkaaga, dhinacee baad la jirtaa ma in Qaadka la joojiyaad doonaysaa, mise inaan ku burburno oo dhalinyaradeenu noqdaan daciif aan la tartami karin kuwa dadka kale.

Ugudanbayntii, waxaan idin leeyahay “SOOMAALIYEEY KAALAYA AAN ISUGU  TAGNO OO AAN CODKEENA KU MUUJINO DHIBKA UU QAADKA NOO GEYSTO!”.

————
Abukar Awale (Qaad-diiid)
Gudoomiyaha Ladagaalanka qaadka

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.