Cidamada dowlada Soomaaliya ayaa toogtay nin katirsanaa Al-Shabaab kaas oo bambooyin ku weeraray ciidamada dowlada.
Ninkan oo lagu sheegay Wiil dhalinyaro ah ayaa lagu toogtay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.
Taliyaha ciidamada danbi baarista ahna Afhayeenka Booliska C/lahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Ninkan uu katirsan yahay Shabaab ciidamadana ay toogteen kadib markii uu weerar qaraxyo ah ku qaaday.
Meydka Wiilkan ayaa lagu soo bandhigay Xafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana saraakiisha dowlada ay sheegeen in ay sii wadayaan howlgaladda kadhanka ah kooxaha amaan xumada gaysanaya.
AOL, Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.