Home » News »

Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo goordhow ku dhawaaqaya Golihiisa Wasiirada

Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Saacid Faarax Garaad ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu ku dhawaaqo golihiisa Wasiirada.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay warbaahinta AOL ka heshay xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in lagu heshiiyay xubnihii xukumada cusub laguna dhawaaqi doono.

Latashiyadii ugu danbeeyay ayaa soo dhamaaday, waxaana Ra’isul wasaare Dr Saacid uu xalay lakulmay gudoomiyaha barlamaanka iyo Madaxweynaha isagoo kala hadlay qaabka uu xulashada usoo sameeyay.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in xubnaha ilaa iyo haatan miiska saaran ay ku jiraan rag horey uga tirsanaa xukumadii Dr Gaas iyo kuwa kale oo cusub.

Hadii ilaa galabta uu Ra’isul Wasaare Dr Saacid ku dhawaaqi waayo xukumadiisa cusub, waxaa lasheegay in isniinta ay noqon doonto maalinta kama danbaysta ah.

AOL Kala soco Wararkii soo Kordha Insha Allah

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.