Odense, Denmark (AOL) – Xaflad sii heer sara loosoo agaasimay oo lagu taageerayey Ra’isal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Dr. Saacid) ayaa waxa ay ka dhacdey magaalada Odense ee dalka Denmark.
Xafladaan oo u soo qabanqaabiyey ganacsade Nuur Abdulkhadir Ugaas oo ku nool magaalada Odense ee dalka Denmark kana soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee jaalliyada Soomaaliyeed ee u nool dalka Denmark magaalooyinkiisa kala duwan ayaa halkaa waxaa ka hadlay dad aad fara badan oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada, ayada oo dadkii halkaas ka hadlayna ay ka mid ahaayeen odayaal, haween, dhalinyaro, fanaaniin iyo abwaano Soomaaliyeed oo halkaas Sugaan kasoo jeediyay.
Ra’isal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Dr. Saacid) ayaa madasha kala soo hadlay jaalliyadii Soomaaliyeed una mahad celiyey taageerada ay la garab istaagen.
Hoos ka daawo Video ku tusaya qaabka ay xafladda u dhacday:
Masawirada hoose midka aad rabto in aad daawato si uu kuugu weynaado dushiisa hal mar Guji.
———
Nuur Ugaas, Odense/Denmark.








Mahadsanid Nuur lacagta iyo qarashka aad gelisay xafladda marka isa soo diyaari Wasiirnimadaada waa banaanka.