Alla ha unaxariistee waxaa caawa magaaladda Muqdisho lagu toogtay Abwaan Warsame Shire Cawaale oo ka mid ahaa Abwaaniinta iyo Jilayaasha Soomaaliyeed.
Rag ku Hubaysan Aalada Bastooladda ayaa marxuumkan ku toogtay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho sida ay sheegeen dad qaraabadiisa ah.
Marxuum Abwaan Warsame Shire Cawaale ayaa dhawaanahaan ka howl galayay idaacadda Kulmiye ee ku taallo Magaalada Muqdisho isagoo qaab jilaa iyo Abwaanimo ugu shaqeenayay idaacaddaas.
Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka Ex-Abwaan Warsame Shire Cawaale la toogtay isagoo kusii jeeday Gurigiisa oo ku yiillay degmada Waabari waxaana lagu dilay meel aan sidaas ugu fogeen hoygiisa.
Abwaanka ayaa dhaawac culus ay kasoo gaaren rasaas lagu furay isagoo la geeyay isbitaalka Madiina halkaas oo uu ku geeriyooday.
Marxuum Warsame Shire Cawaale ayaa horey ugu tirsanaa kooxdii ciidanka Asluubka ee ONKOT xilligi dowladdii dhexe ee Kacaanka wuxuuna sidoo kale uu dhalay oo uu Aabe u ahaa Fanaanadda Da’da yar ee ku luuqayso heesta Kampala adaa I baday ee Ayaan Warsame Shire.
Si kastaba Dilka Abwaanka ayaa waxaa dhaleeceeyay Abwaan C/laahi Guure oo ah Agaasimaha Radio Kulmiye oo dhawaanahaan uu ka howl-galayay Marxuum Abwaan Warsame Shire Cawaale.
AOL Muqdisho Office

Ugu danbeyntii dilka Caawa Magaalada Muqdisho loogu geystay Abwaan, Wariye Warsame Shire Cawaale ayaa imaanaya xili maanta Magaalada lagu Aasay Wariye Maxamad Maxamuud Tuur-yare oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shabelle oo xalay ku geeriyooday Isbitaalka Madiina.