Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa sheegaya in uu si baxsad ah ku bad baday gudoomiyihii dowlada ee degmadaas.
Rag katirsan Dagaalyahanada Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday gudoomiyaha dowlada ee degmadaas Bardaale.
Afar kamid ah ciidamada dowlada iyo ciidamo ilaa shan ah oo Shabaab ay ahaa dhanka kale ku geeriyooday dagaal mudo soconayay oo labada dhinac udhaxeeyay.
Xaalada Gudoomiyaha la dhaawacay ayaa lasoo sheegayaa in ay tahay mid soo hagaagaysa.
Saraakiil katirsan dowlada ayaa sheegay in ay soconayaan holwgalo lagu baadi goobayo kooxihii weerarka soo qaaday.
Dhanka kale Shabaab ayaa sheegay in fara cidi leh uu kaga baxsaday Gudoomiyihii dowlada ee Bardaale.
Weerarada noocaan oo kala ah ayaa ku badan qeybo kamid ah deegaanada dalka gaar ahaan kuwa ay ku dagaalamaan dowlada iyo Shabaab.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.