Home » News »

Ciidamada dowlada oo lagu eedeeyay in ay shacab dileen hadana ay Shabaab ku sheegeen

Xili ciidamada dowlada Soomaaliya ay shalay degmadda Yaaqshiid kusoo bandhigeen meydka nin ay ku sheegen Shabaab ayaa waxaa arimahaas beeniyay wiil uu dhalay ninka ladilay.

Cali Muuse Ibraahin oo ah Wiilka uu dhalay marxuumka ladilay ayaa saxaafada usheegay in Aabihiis uusan waligiis noqon Al-Shabaab hase ahaatee ay ciidamada dowlada iska toogteen.

‘Ciidamada dowlada ayaa iska toogtay Aabahey Muuse Ibraahin Shiikh Nuur, waligiisna Shabaab ma uusan noqon”ayuu sheegay Cali Muuse oo aabihiis ladilay.

Da’da aabihiis ayuu ku sheegay in ay ka badan tahay 50 sano, isla markaana uusan xitaa waligiis jeclaan Shabaab.

Afhayeenka Booliska C/lahi Xasan Bariise ayaa sheegay in ninkan la toogtay kadib markii uu bambooyin ku weeraray ciidamada dowlada ee xaafada Towfiiq kusugnaa.

Marar badan ayaa ciidamada dowlada lagu eedeeyay in ay iska laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.