Home » News, Waraysi »

DHAGAYSO: Odayaasha Jubooyinka oo kulan ka yeeshay Maamul usamayta..

Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda goboladda Jubooyinka ayaa kulan ka yeeshay sidii maamul loogu samayn lahaa goboladaas.

Kulankaas oo soconayay mudo labo todobaad ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay waxgaradka iyo odayaasha kala duwan ee Jubooyinka.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas ayaa waxyaabihii kasoo baxay waxaa saxaafada usheegay Suldaan Muse Nuur oo kamid ah Odayaashii kulanka ka qeyb gashay.

Waxaa uu sheegay in lagu heshiiyay in kulanka maamul usamaynta Jubooyinka lagu qabto Kismaayo, Sidoo kalana waxaa lagula taliyay dowlada Soomaaliya in ay garab ka gaysato sidii maamul loo mideysan yahay Jubooyinka loogu samayn lahaa.

Muse Nuur oo kamid ah Odayaashii kulanka ka qeyb gashay ayaa sheegay in sidoo kale arimaha amaanka iyo Maamulka KMG ah ee Kismaayo looga hadlay kulanka.

Hoos ka dhagayso Shir Jaraa’id

Riix Halkan si aad udhagaysato 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

11 Jawaabood " DHAGAYSO: Odayaasha Jubooyinka oo kulan ka yeeshay Maamul usamayta.. "

  1. jamaal says:

    walalal waa sax in cid walba aaya heeda ka tashato waan soo dhaweynaynaay maamul ka jobooyin ka iyo gedo loo samaynayo cidii qalinayso ha qay;iso waan mahad san tihiin

  2. Diiriye says:

    waxaan soo dhaweynayaa in dhidibada loo taayo Maamulka Jubbaland state of
    Somali federal Government. waxayse ila tahay in ay hawl u baahan tahay shaqo badan iyo aragti midaysan. waxaa yaab iyo fajac igu noqday hadal aan ka akhriyey websete oo ah haddii dawladdu waxay rabtaa in Maamulk Jubbaland lagu sameeyo 4.5 haddii warkaasi dhab yahay oo uu kasoo yeeray dawladda waa dagaalkii 91kii oo kale. waana in laga tashado.

  3. Faisal says:

    Asc.

    Waxaa nagu maqaalo ah in Guddigii u tagay Dawladda federalka inay Madaxdeedii ay guddigii usoo jeediyeen in Maamulka Jubbaland lagu qaybsado habka ay Dawladdu ku dhisantahay ee loo yaqaan 4.5…..

    Balse, ay Guddigu uu arrinkaas diiday maadaama uu hal qoys ah uu deegaankaas u badanyahay…

    Wixii faahfaahin ka haya fadlan nooga warama arrintaas

  4. Mohammed Ali says:

    war ninku been badanaa xagay isku afgarteen.Miyuusan lasocon in gudoomiyaha ku sheega baarlamka iyo xasan engineer ay yiraahdeen 4.5 halagu qaybiyo gobalka gedo iyo jubooyinka. Gobolka gedo wuxuu raacayaa maamulda bay iyo bakool, iyo labada jubo oo maamul ah naqshadii musacmarkii talyaaniga ee alta juba iyo basa juba waa fikrada hada ka socota xamar.

  5. bosaso boy says:

    kk 4.5 ku yeen gobolada jupoyinka iyo gedo ma waxay noqdeen somaliya oo dhan sida aan aaamin sanay hadalkaas ma oran qofka wax garad ah ee waxaa yiri ban u malaynayaa waayo gobolada waa la ya qaan cidda degta dabcan wa hal beel oo ka mid 4.5 ka lkn hadal kaaa si waa kii xaad iyo axmed diruye ayaan u malaynayaa

  6. samatar says:

    Maamul u sameynta Jubbalaand iyo gedo waa hawl u taal dadka halkaas deggan oo iyagana laga rabo iney xaqdhowraan dadka la dega. Dawladdu, maa daama la qaatay hannaanka federaalka shaqo kuma laha dhismaha dowlad goboleed (sidii kuwii horeba u dhismay). Mana aha in lagala tashado. Habka 4,5 waxaa u baahan in lagu dabbaqo caasimadda Muqdisho oo keliya, maxaa yeelay iyadaa dadka ka dhexeysa. Haddii taas la diidana waa in la helaa magaalo u diyaar ah caasimad la wada leeyahay.

  7. Wankamudug says:

    Reer gedo. Maanta. Janis. Bay haystaan. Oo. Ah. Inay ku biiraan oo. Taageeraan maamulka. Juboyinka iyo gedo = jubaland , Hadii kale. Gedo. Waxaa laraacin. Baay iyo Bakool. Taas oo lamacna ah. In. Reer gedo ay noqdaan minority, hadaba reer gedo. Idinkoo Raaca jubaland. Oo waliba noqonaya majority. Maxaa idin aamusiyay oo cadkiina loo maqliwayay. Faroole. Oo garowe jooga Ayaa lamaqlaa dhawaqiisa ee idin koo Kadaba Wabigii juba maxaa idinku dhacay. Xamar qabiilka degan Dan isumahayaan,gedana uma hayaan. Oo. USC. Marna. Daarood koonfur oo jubaland samaysta marabaan ee reer gedo hurdada ka Kaca. Absame oo 21sano daba socdan USC Ayaa ka hartay oo runta arkay in jubaland. Wax dhama aysan jirin. Absame khilafkii harti meelbuu iska dhigay oo hartiga haxukun jecladeen. Laakiin marna danaha jubaland. Ma hor istaagayaan gedana in laracsho baay iyo Bakool. Marna ma aqbalayaan.

  8. waxaan lab yaabsanhay mamulaka Hasan culasow sidaey ku fakarey SADO DAAROOD(Marexan) in laga maamulao (Bidoa)
    WAA SUAAL?

  9. Geljire says:

    Xassan iyo Jawari waxey doonayaan in awooda Daaroodka kala qeybiyaan ayagoo Gedo kudarayo Bay iyo Bakool. Hadey usuuro geli weydana waxey isku dayayaan iney 4.5 wax halagu qeybsado yiraahdaan. Horaan waxey isku dayeen iney daroodka cadaawad dhaxdhigaan laakin wey socon weyday, hadana in qabiilada kale e minority-ga ah ee jiitaan, taasna wey ushaqeen weyday marka xalka kaliya waa in eey GEDO kudaraan Baay iyo Bakool. Jawarina waxuuba lasoo fariistay GEDO raxanweyn ayaa majority ka ah.

  10. yaab says:

    yaab waxaa ceeb ah in qof gurigii lagu mashquulo ayadoo hantidii dadka 22 yrs lagu raxaysanayo gedi iyo jubooyinka dadbaa lahoo alle siiyay cid hadal iyo caqlikale kuma qadi karto waa dadkii ayagu talin jiray oo allahay qaranka kadhigay haday rabaan mamul way hisan haday rabaan sidooday ahaan ee somali xamar ha u tashato ayadaa lawada lee yahee

  11. ASC SAAXIBAYAAL WAXAAN LEENAHAY DADKA KASOO JEEDA JUBOOYINKA IYO GADO WAA DAD WALAALO AH KANA MIDEYSAN INAY KATASHADAAN AAYAHOODA CIDKASTA OO GARABKU SIISANA LASHAQEYNAYA CIDKASTA OO KASOO HORJEEDANA KUQANCINAYA WAXA AY XAQA ULEEYIHIIN AANA CIDNA LADOONEN INAY XAQOODA QAATAAN KOODANA INAY DHACSADAAN DIYAAR U, AH HADABA CIDII RAJO KAQABTAY INAY XAQOODA QAATAAN AMASE CIDKALE WAX KASIIYAAN WAXAAN LEENAHAY CANDHUUFTIINA DIB ULAQA YAANA LESKU CEEBOOBIN GEDDO IYO JUBOOYINKU AYAGAA ISDOORTAY DANTOODANA YAQAANA KAN KUFARAXSANOW SOO DHAWOW KAN DIIDANOW ADNA SOO DHAWOW ADIGOO RAALI NOQONAYA KUNA QASBAN ARINTAAS