Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Raxmaan Sh Maxamed Faroole ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab inta badan laga saaray gobolada Koofureed ee Soomaaliya.
Isagoo ka hor hadlayay kulankii barlamaanka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in amaanka Puntland loo yaabo, kadib markii deegaanada Puntland ay soo galeen Shabaab kasoo cararay Koofurta Soomaalia.
‘Waxaa loo baqaa amaanka Puntland, maxaa yeelay Koofurta Soomaaliya hadii Shabaab laga soo saaray, hada waxaa ay soo galeen Puntland’ayuu shegay C/Raxmaan Faroole.
Waxaa uu ugu baaqay Hay’adaha kala duwan ee amaanka Puntland in ay si deg deg ah uga howlgalaan ka hortagida Shabaab.
Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay xukumada cusub ka filayaan in ay la timaado wax qabad lana soo magacaabo dad aqoon iyo waayo aragnimo leh.
AOL Garoowe Office

faroole wax fiican buu ka hadlay xaga jubland wuuna u hiiliyey dadka dagan gobaladaas in ay samaystaan maamul caadil ah laakiin dad baa isla markii si kale u qaatay oo qaylo ka soo yeertay waxaan maqli jiray ninka ka baqaya in geela laga qadsho baa dhaha war geela naga qaybsha axmed madoobe xataa wuu hadal fiicnaa horta wax baan dhacayn mar danbe in hal beel xoog wax ku haysato sida mar waxaa haystay moorgan hawiyaa mar haystaycumar jees baa mar haystay bare hiiraale iyo niman hawiyaa oo uu watay baa mar haystay marka waxaas waa laga gudbay ee halaysku kalsoonaado
FAROOLE wa beenale waxuu rabaa inuu galada ku baryo alshabaab baa puqland soogshay.
waxaa ila haboon in xamar laga tashado
Waxaa ila haboon inwixii tashankara ay tashadaan.
1- Xamar oo barwaaqo ah baa dadkii dhisey laga didiyey oo layiri dalka ka
guura. 2- bahalaa ka dhashey waxaan u keeney ciidamo ajaanib ah oo ka raacdeeya bahaladii. waxaan u sameyney sharci iyo kala danbeyn anigoon dib u eegen wixii igu dhacey, waxaan doorbidey in aan soomali noo leeyo
3- Marsadexaad baan u dhiibey iyadoo bisil oo ay Habar indhala daadihin karto
4- wuxuu gadaal u soo nooleyey Qabiilkii iyo wixii aan lahaa war iska indhasaaba oo eega Soomalinimada. Haddii dani geyyesiisey in uu igu mashquulo oo uusan qaranimo raadineyn Maxaan u sameynkaraa?
Wuxuu yiri walaaleheen Waqooyi iskuulada halagu dhigo wixii gaarey, ana wuxuu yiri Gedo waxaa sameeyey Maxmed Siyaad ee hala baabiyo oo lagu daro Bay, bal adniku garnaqsada oo xaajadaas meel ku fura
waxey keeni doontaa in meel fog laga raadsho haddii aan dameerka dooh la oran
Tuke, adeer wixii dhexyada dhib maleh mar’uun waa la’ska shaafin idam Alle, laakiin marakan Alamtara la soo dhaaf. Nimanka guryahayagii Xamar xooga ilaa hada ku haystaa hadana leh waxbaan idiin dhisaynaa. Bal
edebdaradaa day. Tan kale, adeer anagaa wax dhisnee wax nalooma dhiso. Taana waxaa kuu xaqiijinaysa dalkaanu 50 ka sano dhisaynay sow tey USC dhowr bilood ku diiratay. Adeer horaa loo yiri “nin geeda gali jirey geed looma galo” Maamul goboleedka Jubbaland waa la dhisi ee reer muqdishoow “kaba idinka waa weyn ha isku jimaynina” Wa ilaah I towfiiq
Dhasheegduur, ina adeer, Allow caqliga hakaa qaadin, carabkana kuu daa. Hada waxaan oran lahaaba adaa yiri ee afkaaga caano lagu qabey Ina adeer