Home » News »

Golaha Wasiirada oo laga dhigayo 9-Xubnood iyo Odayaasha Muqdisho oo ka digay

Warar ay AOL ka heshay Aqalka Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegaya in si weyn loo yareeyay tirada golaha Wasiirada.

Ilaa 9 Wasiir oo kaliya ayaa lasoo sheegayaa in uu soo magacaabi doono Ra’isul Wasaare Dr Saacid saacadaha soo aadan.

Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in ay ka warhayaan in 9 Wasiir kaliya la magacaabayo.

Waxaa uu sheegay intaas aysan noqonayn mid cadaalad ah beelo badana ay iska horkeeni karto.

‘Waxaan ka digayaa in 9 wasiir la magacaabo, maxaa yeelay taas uma cuntanto shacabka iyo beelaha Soomaaliyeed, waxaana ay keenaysaa isku dhac hor leh’;ayuu shegay Nabadoonka.

Si kastaba ma jirto hada rasmi ah oo kasoo baxay dowlada kaas oo cadeynaya in Ra’aisul Wasaaraha uu 9 Wasiir kaliya magacaabayo.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

8 Jawaabood " Golaha Wasiirada oo laga dhigayo 9-Xubnood iyo Odayaasha Muqdisho oo ka digay "

  1. A.A.Xade says:

    War maxaa ka galay haddii 9 wasiir la magacaabo iyo wax ka badanba? Ma Soomaali baayse wakiil ka yihiin odoyaashan Bililiqa ku noolka ah ee hadiyo jeer Xamar ka ciya sida dammeerihii? Qabaa’illada Somaaliyeedse odoyaal waay wada qabaan mana hadlaane maxaa iyaga ka takooray?!

  2. wiil garowe says:

    war anagaaa belo aragnay war odagaani ma isagaa madax wayne ah ma isagaa raysal wasaare ah maxaa ka galay wasiirada qabaa ilka somalia waa wada lee yihiin isimo waxaasna kama hadlaan waa in sida ugu dhakhsaha badan looga saaro guriga bililiqada ah ee uu degen yahay

  3. Qunyar Socod says:

    Mismilaahi,
    Dhabtu waxay tahay in kuraasta xukuumadda ayan xitaa haddii boqol laga dhigo ayan qabaa’ilka kuwada qanceyn, waxa ummadda deeqi karo ay tahay waa maamul wanaagsan cadaalad laga dhowro musuqmaasuqa.

    Inshaa Allah halaga dhigo wasiirada xitaa saddex keliya muhimadda waa maamul wanaag.
    Dadka u xaqal taagaya in qabaa’ilka Soomaaliya la raali geliyo waxa isaga dhex yaacsan dawladnimo iyo qabiil waxa udhaxeeya.. saddex nin isku reer ah ee maamul wanaagsan waxay ka fiican yihiin kun wasiir midba qabill kas socda haddana ku faana in uu ku fadhiyo kursi qabiil.
    Dadka inta ay dalbi lahaayeen kuraas badan ha dalbeen maamul wanaag waayo kuraasta wasiiradda sikasta oo loo badiyo lagama yaabo in qabaa’ilka ay wada qanciso, marka ugu dambeysa arinta jilib hoose ayay eedo tageysaa !
    Waxa keliya ummadda qancinkaraa waa dawlad ku tilaabo qaado maamul wanaag, ee ummad yahay indhaha yaan la istirin.

    Ummadyahay maskaxdiina ka saara guuxa qabiil waayo qaranimo iyo qabiil mawada shaqeyn karaan .. ! !
    Odayaasha waxaan leeyahay xishooda oo ka fogaada xuma ka talinta ! ilaahna ka yaabo qabri ayaa idin sugayee !

  4. Abkow says:

    aa.xade sxb marka hore ado qof wen ah ina caytanto wa ayan daro mid kale gadomiyihi dhaqanka bel wenta hawiye aya hadal kisa ku tilmamtay damir ciyayo maxamed xasan xad adiga wixi la mid ka ah ayu masul ka yahay

  5. faysal says:

    nin yahow A.A odoyasha waxay odoyal uyihin umada dagta wayna dareemi karaa waxa ka imaan kara hadii la qadiyo beelo kuwa kalena la siiyo. teeda kale ama damer dheh ama faras dheh ayagaasaa ku daba feeeleysaa sanduley kugu tahay

  6. Waxaa is weydiin mudan Oday Xaad lacag ma u hayaa Wasiiradda uu
    doonaayo ? waxaa badan 9 Wasiir oo aan la’ogeyn meel mushaar looga
    doono, marka caqli ma aha in maalin kasta wixii madaxdu la timaado
    mucaarad aan micno lahayn laga hor keeno. Soomaaliya way ka badan
    tahay 200 oo qabiil, marka lalama gaaro wasiirro, midda kale qabiil qabiil
    ka fiican ma jiro. waxaan soo jedin lahaa in nimaankaas shaqadooda loo
    daayo bal inay wax uun soo celiyaan Qarankii dhumay.
    Daarood oo dhan 2 wasiir ha la siiyo iyagu ha ku heshiiyaan cuqdada ha
    la iska saaro .

  7. Fatah says:

    Jawaabta oday xaad Waxaa weeye oday hawiye waa hawiye marka hawiyoow hawiye waqti dambe in isaga kiin lumiyaan carabtii waa ka daashay

  8. Nirig-naaf says:

    Waxaan is lahaa fikrad dhiibo, laakiin markii aan akhriyey qoraalka Mr Dhasheegduur oo xadiisulqudsiga ah ayaan is iri ‘anaa haray looma hadlo’