Home » News »

Pro Jawaari oo digniin xoogan udiray Ra’isul Wasaare Dr Saacid iyo Xukumada lafilayo

Gudoomiyaha barlamaanka dowlada Soomaaliya Pro Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in shaqadooda ugu badan ee afarta sano ee soo aadan ay noqon doonto la xisaabtanka xukumada.

Waraysi dheer oo uu bixiyay ayaa waxaa uu sheegay Dr Jawaari in ay xili kasta la socon doonaan shaqada golaha wasiirada, waxii qaldana ay qaban doonaan.

‘Shaqada barlamaanka ee afarta sano ee soo socota waa in ay ilaalisaa xukumada oo ay la socotaa waxa ay qabanayso’ayuu sheegay Gudoomiye Jawaari.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in lag doonayo Ra’isul Wasaaraha inuu soo dhiso Xukumad kooban oo hadana tayo leh taas oo wax ka qaban karta Xaaladda Soomaaliya.

Dowlada cusub ayaa haysata mudo afar sano ah, waxaana laga sugayaa Dr Saacid inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.