Al-Shabaab ayaa shalay gobolka Sh/hoose ku toogtay sargaal katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya.
Sargaalkan waxaa uu ahaa taliyihii guutada 5-aad ee ciidamada dowlada Soomaaliya waxaana lagu magacaabayay Jen Maxamed Faarax Gordon.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ahna R/ wasaare ku xigeen Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in aasqaran loo sameyn doono Marxuumkan katirsanaa ciidamada xooga dalka.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaal xoogan oo kadhacay Sh/Hoose ay ku dileen Jen Maxamed Faarax Gordon.
Gudoomiyaha dowlada ee Sh/hoose C/Qadir Ziidii ayaa dhankiisa sheegay in weerar gaadmo ah lagu dilay Sargaalkan iyo ciidamo kale oo katirsan dowlada Soomaaliya.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.