Maamulka gobolka Banaadir ee dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gaba gabeeyeen tirakoobka dadka iyo guryaha ilaa shan degmo.
Tirakoobka ayaa waxaa lagu ogaanayaa tirada dadka, guryaha iyo dadka isugu jira Raga, Dumar iyo caruur sida uu sheegay Afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf.
Degmooyinka ilaa iyo hada tirakoobkaas uu kasoo dhamaaday ayaa waxaa ay kala yihiin Waabare, Xamar Jajab, Xamarweyne, Boondheere, Shangaani..
Afhayeenka gobolka ayaa sheegay in tirakoobkan uua fadudeynayo sugitaanka amaanka Magaaladda Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalmaha soo aadan loo sii gudbi doono degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.