Xili dhawaan lagu wado in Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya uu soo magacaabo Xukumadiisa ayaa hadana waxaa jira warar sheegaya in xubnaha golaha wasiirada laga dhigayo 9 xubnood oo kaliya.
Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa Nabadoon Axmed Diiriye Cali ahna Afayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye waxaa uu ugu baaqay Dowlada cusub ee Soomaaliya in ay ka feejignaato qorshaha lagu yareynayo xukumada.
Nabadoon Axmed Diiriye ayaa waxaa uu baaq u diray Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Dr Saacid , wuxuuna ka dalbaday in xukuumada la soo dhisayo aan laga yareyn 18 wasiir , isagoo sheegay inay tahay xal wanaagsan oo wax loogu qeybin karo Beelaha Soomaaliyeed.
Sidoo kale Afayeenka Beelaha Hawiye ayaa sheegay in loo baahan yahay in la soo dadajiyo magacaabista Golaha wasiirada , maadaama dalku uu wali helin xukuumadii shaqeyn lahayd.
Dr Saacid Faarax ayaa ku dhawaaqi doona Golihiisa Wasiirada maalmaha soo aadan iyadoona lawada sugayo nooca ay noqon doonto xukumadiisa.
AOL Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

xalga ilaah ayaa hayo tankaley hadii odey kasto oo xalka tisa uun u arko iney xaltahey dhib wayee afayeenka inow mediaga abaro waa laga fiican yahey ee waxaat umaleysid ineytahey xal RAISUL WASARAHA ULATAG jaraa idka haula tagin waxaad dhiri gilineysaaa dadka aan dooneynin dowladnimada iyo kuwa markasto fowdadaa wado ee is daji afayeenoow
odaygani waa kansar bulshada la dhexdhigay. waa sidaha cimaamadda ugu weyn cimaamadaha ?????ee waayahan dambe moodada noqday.wuxuu ka mid yahay ???? maasha dhibaatada qaran ee an marna doonayn in ay ka danto.