Home » News »

Xaflad lagu soo dhaweynayay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo magaalada Phoneix ee gobolka Arizona lagu qabtay (sawiro)

Phoenix, Az (AOL) – Sabtidii aan soo dhaafnay oo ay taariikhdu aheyd October 27 ayaa waxaa magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Mareykanka lagu qabtay xaflad aad u qurux badan oo lagu soo dhaweynayay magacaabistii Ra’isal wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Xafladaan oo ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Arizona si wada jir ah usoo qaban-qaabiyeen ayaa noqoneysa tii labaad oo saddex todobaad gudahood la qabto, ayada oo xaflad tan la mid ah oo lagu soo dhaweynayay madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari lagu qabtay magaalada Phoenix dhamaadkii bishii tagtay ee September.

Xafladda oo lagu qabtay Hotel Embassy Suites oo ku yaal magaalada Tempe oo ka mid ah magaalooyinka hoos taga “Phoenix Metropolitan Area“, ayaa waxay bilaabatay saacaddu markay aheyd 8:00 pm waqtiga Phoenix, waxayna dhamaatay 1:00 am.

Sida caadada ahba, xafladda waxaa aayado qur’aan ah ku furay xaaji Cali Dhuux oo ka mid ah odayaasha jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Arizona, waxaana ku xigay heesta Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Anthem) ee SOOMAALIYEY TOOSA, TOOSA OO ISKU TIIRSANAADA… oo ay halkaas ka tumayeen fanaaniinta jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Arizona oo ay ka mid ahaayeen fanaanka weyn ee Najiib Dr. Faarax, C/risaaq Buuhoodle iyo DJ Shuceyb, dhanka Kaamarada iyo duubidda Video-gana waxaa qaabilsanaa Jeylaani Shuceyb.

  Halkaan ka dhageyso (Somali National Anthem-ka habeynkaas meesha laga qaraacay)

Dhamaan dadkii halkaas ka hadlay oo isugu jiray qeybaha kala gedisan ee bulshada ayaa waxay si weyn ugu hambalyeeyeen Ra’isal wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon, ayaga oo u rajeeyay in uu Rabbi u fududeeyo xilka balaaran ee uu qaaday, kulana dar-daarmay inuu bulshada Soomaaliyeed ee dhiban ugu shaqeeyo si ay daacadnimo, wadaninimo, howlkarnimo iyo geesinimo ku dheehan tahay.

Sidoo kale, jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Arizona oo ku caan baxday isku duubnida iyo soo dhaweynta mas’uuliyiinta Soomaaliyeed oo habeynkaas wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo reyn-reyn ay u qabaan dib usoo noolaashaha Qarankii burburay ee Soomaaliya, ayaa waxaa kale oo ay hambalyo u direen madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, ayaga oo ugu hambalyeeyay xilalka culus ee ay dhabarka u riteen, uguna duceeyay inuu Rabbi u fududeeyo.

Xafladda oo qeybteedii hore ku bilaabatay jawi degan, farxad iyo hambalyo isdaba joog ah oo loo dirayay saddexda mas’uul ee xukuumadda Soomaaliya ugu sareysa iyo waliba golaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxay ku dhamaatay damaashaad iyo farxad aan halkaan lagu soo koobi karin.

———–
Aden A. Colujoog, Phx, Az.

 

 

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.