Home » News »

Al-Shabaab oo qof rayid ah ku dilay duleedka Baardheere

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in kooxda Shabaab ay halkaas ku dileen nin reer Miyi ah.

Alla ha unaxariistee Maxamuud Ibraahim Nuur oo kamid ahaa xoola dhaqatada Baardheere ayay toogteen Shabaab.

Inkastoo aan la ogayn sababta ay Marxuumkan Shabaab udileen hadana qaar kamid ah qaraabadiisa ayaa AOL usheegtay in Shabaab ay ninkan oo oday ah ku eedeyeen in uu ujaajuusayay ciidamada dowlada.

Al-Shabaab faah faahin kama aysan bixin dilka Ninkan rayidka ah, waxeyse dilalkan uu qeyb ka yahay dhibaatooyin haysta shacabka Soomaaliyeed.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Al-Shabaab oo qof rayid ah ku dilay duleedka Baardheere "

  1. mahad says:

    Odayaashii Reer Baardheere ee kenya magdhowga ka dalbayey howshaan baa uga horeysa inay tallaabo ka qaadaan oo wax ka qabtaan inta aysan kenya u gudbin.