Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta lagu dilay sargaal katirsan dowlada Soomaaliya.
Askari katirsan ciidamada dowlada ayaa toogasho ku dilay Sargaalkan oo lagu magacaabi jiray Muumin Maxamed Maxmuud Ildhigte.
“Waxaa dilka Taliyaha ka danbeeyay askari katirsan ciidamada dowlada ee magaaladda beledweyne’ayuu sheegay Sargaal katirsan booliska magaaladda oo AOL lahadlay.
Dilkiisa ayaa loo aanaynayaa inuu ka danbeeyay kadib markii sargaalka geeriyooday uu isku dayay inuu qaado isbaaro taalay gudaha magaaladda, hase ahaatee uu askarigaas rasaas la dhacay.
Ciidamada dowlada ayaa baadi goob ugu jira ninkii dilka gaystay oo goobta isaga baxsaday.
Wararkii soo kordha dib kala soco OAL insha Allah

Isbaaro baa loo dilay taliyihii ciidanka oo idil waxaa ciidan ma lagu sheegi karaa Soomaaliyeey?