Home » Archive Daily November 1st, 2012

AOL oo si hordhac ah uheshay Xubnaha Wasiirada

Nov 1, 2012
Warbaahinta AOL ayaa heshay magacyada qaar kamid ah golaha Wasiirada cusub ee lagu wado in lagu dhawaaqo. Dad ku dhow Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo gudbiyay liiska dhowr xubin oo kamid noqonaya golaha Wasiirada. Magacyada xubnaha lahayo ayaa ah kuwa ku cusub siyaasada dalka, waxaana intooda badan ay asxaab la yihiin Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud. -Ra’iisul Wasaare kuxigeen... 

Maamulka dowlada ee Hiiraan oo Xabsiga dhigay Wariyaashii Beledweyne

Nov 1, 2012
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay saakay xabsiga dhigeen Koox Wariyaal ah. Ciidamada ayaa Wariyaashan xabsiga utaxaabay iyadoo aan la ogayn sababta loo xiray. Saxafiyiinta la xiray ayaa kala ah Ciise Cabdi ciise oo ah wakiilka gobolka Hiiraan ee Radio Kulmiye iyo Tv-ga Somsat, C/risaaq Maxamed Al cadaala oo Radio Goob joog... 

QM oo Mudo todobaad ah ugu dartay joogida Amisom ee Soomaaliya

Nov 1, 2012
Golaha amaanka ee QM ayaa mudo todobaad ah ugu dartay ciidamada Amisom ee kusugan Soomaaliya in howlgalkooda sii wadaan. Bayaan kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in mudo todobaad ah loogu daray Amisom waqtigoodii ay joogi lahaayeen Soomaaliya maadaama uu xiligooda ku ekaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 31-da Bisha. Golaha amaanka ayaa dhanka kale sheegay in 7-da bishan ay kulan gaar ah ka yeelan... 

Xildhibaano digniin ka bixiyay tirada xubnaha Wasiirada ah ee lasoo magacaabayo

Nov 1, 2012
Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka dowlada Soomaaliya ayaa ka digay in qab aan wanaagsanayn loo soo magacaabo golaha Wasiirada. Xildhibaanadan oo siyaabo kala duwan ulahadlay saxaafada ayaa sheegay in aysan ku qanci doonin wax aan ka ahayn in xukumada ay noqoto sidii lasugayay. Mudanayaasha barlamaanka ayaa sheegay in aysan codka kalsoonida siin doonin Xukumada hadii laga dhigo 9 Wasiir. Xildhibaan... 

Amaan xumadda Muqdisho iyo Howlgalo isbar bar socda

Nov 1, 2012
Amaan xumadda Magaaladda Muqdisho ayaa sii xoogaysanaysa xili magaaladda ay ka soconayaan howlgalo ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya. Saacadihii lasoo dhaafay magaaladda waxaa ka dhacay dilal bareer ah iyo qaraxyo. Ciidamada dowlada ayaa qarax lagu weeraray xili ay kusugnaayene saldhiga degmada Hodan, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Ciidamadaas ayaa toogtay nin rayid ah hase ahaatee ay... 

AMISOM oo faah faahin ka bixisay hawlgalada ay ka wado Soomaaliya iyo Qasaaraha kasoo gaaray

Nov 1, 2012
Magaalada Nairobi ee dalkan Kenya ayaa maanta waxaa lagu qabtay shir lagu soo bandhigayey waxqabadkii AMISOM, maadaama ay ka hawl galayeen Soomaaliya shantii sano ee uggu danbeysay. Hawlgalkan ayaa ah mid dowladda Soomaaliya looga caawinayo la wareegidda dhamaan qeybaha kamid ah Soomaaliya ee ay gacanta ku hayaan ururka dagaalka kula jira ee Xarakada Alshabaab. Haddaba, shirka waxaa kasoo qeyb galey... 

Qof rayid ah oo lagu dilay Jowhar iyo Xaaladda oo kacsan

Nov 1, 2012
Kooxo Hubaysan ayaa xalay magaaladda Jowhar ee gobolka Sh/DHexe ku dilay qof shacab ah. Ninka ladilay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ganacsade ah waxaana toogtay rag ku hubaysnaa qoriga AK47-ka Warar ay AOL ka heshay Jowhar ayaa sheegaya in dilkaas kooxihii ka danbeeyay ay goobta isaga baxeen. Rasaas xoogan ayaa laga maqlayay gudaha Magaaladda Jowhar, iyadoona magaaladda bandow lagu soo rogay. Xaaladda...