Amaan xumadda Magaaladda Muqdisho ayaa sii xoogaysanaysa xili magaaladda ay ka soconayaan howlgalo ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya.
Saacadihii lasoo dhaafay magaaladda waxaa ka dhacay dilal bareer ah iyo qaraxyo.
Ciidamada dowlada ayaa qarax lagu weeraray xili ay kusugnaayene saldhiga degmada Hodan, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamadaas ayaa toogtay nin rayid ah hase ahaatee ay ku sheegeen inuu ahaa qofkii qaraxa fuliyay.
Dhanka kale labo qarax ayaa lagu weeraray ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo kusugnaa Degmada Dharkeenley, halkaasna waxaa ka dhashay qasaro aan la ogayn inta uu la egyahay.
Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid xalay waxaa lagu dilay Gudoomiyihii Xaafadaas waxaana toogtay sedex nin oo wajiga soo duubatay.
Ciidamada dowlada ayaa howlgalo ay sameeyeen kusoo qabtay dad gaaraya ilaa 8 oo lagu eedeynayo falalkaas amaan xumo ee Muqdisho ka jira.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.