Home » News »

AMISOM oo faah faahin ka bixisay hawlgalada ay ka wado Soomaaliya iyo Qasaaraha kasoo gaaray

Magaalada Nairobi ee dalkan Kenya ayaa maanta waxaa lagu qabtay shir lagu soo bandhigayey waxqabadkii AMISOM, maadaama ay ka hawl galayeen Soomaaliya shantii sano ee uggu danbeysay.

Hawlgalkan ayaa ah mid dowladda Soomaaliya looga caawinayo la wareegidda dhamaan qeybaha kamid ah Soomaaliya ee ay gacanta ku hayaan ururka dagaalka kula jira ee Xarakada Alshabaab.

Haddaba, shirka waxaa kasoo qeyb galey kuxigeenka u qeybsanaha Midowga Africa arrimaha Wafula Wamunyinyi, safiirka Midowga Yurub u qaabilksan Kenya, oo hawlahiisa lagu balaariyey dhanka iyo Soomaaliya Michele Cervone D’Urso, iyo wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee dalkan Richard Onyonka.

Sidoo kale, shirka waxaa qeyb ka ahaa su’aalana laga weeydiiyey arrimaha Soomaaliya safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya danjire Maxamed Nuur Cali “Americo”.

Shir jaraa’id oo uu halkaasi ku qabtay, ayaa waxa uu sheegay in maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ay si wadajir ah u sameynayaan dadka deegaanada goboladaasi iyo dowladda Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa ka kooban dalal African, kuwaasoo askar katirsan ay naftooda ku waayeen xasilinta Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee dalkani Kenya Richard Onyonka ayaa ka sheegay kulan looga hadlay Soomaaliya in Uganda tan iyo 2007-dii ay Soomaaliya kaga dhimatey 2,700.

Wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganaysa, wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay in Kenya ay sidoo kale ciidamo badan ugga dhinteen hawlgalka Soomaaliya.

Waa markii uggu horeysay oo tirada Ciidamada Amisom eek u dhimatay howlgalka Soomaaliya la shaaciyo.

Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.
E-Mail: – saidanteno@yahoo.com
Mobile Phone: – +254 – 711 – 919 – 302

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.