Home » News »

AOL oo si hordhac ah uheshay Xubnaha Wasiirada

Warbaahinta AOL ayaa heshay magacyada qaar kamid ah golaha Wasiirada cusub ee lagu wado in lagu dhawaaqo.

Dad ku dhow Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo gudbiyay liiska dhowr xubin oo kamid noqonaya golaha Wasiirada.

Magacyada xubnaha lahayo ayaa ah kuwa ku cusub siyaasada dalka, waxaana intooda badan ay asxaab la yihiin Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.

-Ra’iisul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan (Dir/Isaaq)
-Wasiirka Gaashaandhiga Gen. Muuse Xasan Cabdulle (Daarood/Absame/Ogaadeen), waxaa uu ahaa Gudoomiyihii KMG ee Baarlamaanka

-Prof Axmed Maxamed Wehliye Xiji Wasiirka Qorsheynta, Beeraha, deegaanka iyo Kaluumeysiga (Hawiye/Xawaadle)

-Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed (Hawiye/H.gidir/Sacad)

-Faarax Sheekh C/qaadir Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare (Reer Awxasan)

Wali laguma dhawaqin Wasiiradan, waxaase la filayaa in saacadaha soo aadan lagu dhawaaqo.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " AOL oo si hordhac ah uheshay Xubnaha Wasiirada "

  1. bosaso pl says:

    asc waxan ad iyo aad oga xumahay raisul wasaraha iyo madaxweynaha oo ku tuntay besah harti ee majerteen waxaan maqlay wasarada maliyada wasaradaas uma qalano adeer dowlada makala soconeyso waa balan hada wasarada arimaha dibada inoo magacabin wabilahi toofiq

  2. Gaalkacyo says:

    Saacid yuusan ku darin hal nin oo Majeerteen ah. Sidaas ayaa dantu noogu jirtaa mucaaradna kuma noqonayno hadii qaran lagu helayo. Kuraaasta Isaaqa ficil tamaya iyo Hawiye ha loo qaybiyo. Car haday wax qaban karaan ama soomaali isu keeni karaan wax ha qabteen. Puntland na ayadoo intaa iyo wixii horumar ah ogol ayaa web site yada hawiye caydooda meel ay ka joogi la yihiin iyo damcaada foosha xun oo ah in ay colaad huriyaan oo Puntland Gubato cida Web site Dayniile. Reer Puntland Saacid baa matala oo Daarood ahaan qaytayadii noo haya Puntlandna way ku kalsoon tahay ninkasta oo soomaali ah oo wax garad ah oo Qaranka soomaaliyeed noo matalaya. Ilaahay hawsha ha u fudeeyo hana ka bilaabo Kismaayo iyo Gado oo maamul leh, Punland oo Booqdo si aan looga tarjumin iyo in uu isku dayo in uu Hargaysa tago oo Isaaqa gadoodsan uu u caqli celiyo ilayn run ahaan tii sidaa baa dani ku jirtaaya. Waana ku Qasaareen mision kii ina Godane uu ka waday South Somalia oo ahaa in ay Somalia oo dhan Gubaan si Hargaysa ay xoriyad u hesho. Caawa burco ama meel u dhaw ayuu joogaa ina Godane waana og yihiin xaqiiqada.

  3. Cali says:

    Nacaska Gaalkacayo la baxayoow marka aad leedahay Majeerteen yaan kursi la siin ma ogtahay kursigii wasiirnimadda ugu weynaa ee ah Wasaarada Maaliyada iyo Lacagta in la siiyey. Ishii Buktaa ha ku bikaacsato. Ama Ka naxoo Nafta waa.

  4. A.M.S says:

    walaalayaal waad salaaman tihiin hadaan nahay reer pundlan waxba uguma baahnin dowladaan hada jirta hawiyana dowlad micnaheeda maya qaan aan waxay rabaan ookeliya inay wax dhacaan iyo inay guryihii daaroodka xoog ku haystaan dhibtana iyagay udambayn doontaa