Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay saakay xabsiga dhigeen Koox Wariyaal ah.
Ciidamada ayaa Wariyaashan xabsiga utaxaabay iyadoo aan la ogayn sababta loo xiray.
Saxafiyiinta la xiray ayaa kala ah Ciise Cabdi ciise oo ah wakiilka gobolka Hiiraan ee Radio Kulmiye iyo Tv-ga Somsat, C/risaaq Maxamed Al cadaala oo Radio Goob joog iyo Tv-ga Royal ushaqeynayey,Ibraahim maxamed Baashaal oo ah wakiilka Tv-ga Horn Cable iyo C/wali Tawakal oo Radio Danan iyo Tv-ga Universal Wakiil u’ah.
Saraakiisha dowlada oo aan la samaynay xariir si aynu wax uga ogaano arintan ayaa ka gaabsaday.
Wariyaasha Soomaaliyeed ayaa dhibaatooyin xoogan kala kulma inta badan goobaha ay ka shaqeeyaan.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.