Home » News »

QM oo Mudo todobaad ah ugu dartay joogida Amisom ee Soomaaliya

Golaha amaanka ee QM ayaa mudo todobaad ah ugu dartay ciidamada Amisom ee kusugan Soomaaliya in howlgalkooda sii wadaan.

Bayaan kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in mudo todobaad ah loogu daray Amisom waqtigoodii ay joogi lahaayeen Soomaaliya maadaama uu xiligooda ku ekaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 31-da Bisha.

Golaha amaanka ayaa dhanka kale sheegay in 7-da bishan ay kulan gaar ah ka yeelan doonaan xaalada Soomaaliya.

Kulankaas ayaa mudo kale oo hal sano ah loogu kordhin doonaa howlgalka Amisom ee dalka Soomaaliya.

Amisom ayaa dagaal kula jirta Shabaab iyadoona ka qeyb qaadatay gacan ku dhiga gobolo badan oo kuyaal dalka gaar ahaan Koofurta.

AOL Nairobi Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.