Home » News »

Qof rayid ah oo lagu dilay Jowhar iyo Xaaladda oo kacsan

Kooxo Hubaysan ayaa xalay magaaladda Jowhar ee gobolka Sh/DHexe ku dilay qof shacab ah.

Ninka ladilay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ganacsade ah waxaana toogtay rag ku hubaysnaa qoriga AK47-ka

Warar ay AOL ka heshay Jowhar ayaa sheegaya in dilkaas kooxihii ka danbeeyay ay goobta isaga baxeen.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlayay gudaha Magaaladda Jowhar, iyadoona magaaladda bandow lagu soo rogay.

Xaaladda ayaa saakay lasoo sheegayaa in ay tahay mid kacsan, waxaana ciidamada Shabaab ay wadaan howlgalo balaaran.

Dilkan ayaa kusoo aadaya magaaladda ay gacanta ku hayaan Shabaab hase ahaatee ay kor dagan yihiin ciidamada Huwanta.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.