Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka dowlada Soomaaliya ayaa ka digay in qab aan wanaagsanayn loo soo magacaabo golaha Wasiirada.
Xildhibaanadan oo siyaabo kala duwan ulahadlay saxaafada ayaa sheegay in aysan ku qanci doonin wax aan ka ahayn in xukumada ay noqoto sidii lasugayay.
Mudanayaasha barlamaanka ayaa sheegay in aysan codka kalsoonida siin doonin Xukumada hadii laga dhigo 9 Wasiir.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in soo magacaabida 9- Wasiir ay tahay mid aan la ogayn ujeedada laga leeyahay isla markaana aysan qaadan doonin.
Ra”isul Wasaare Dr Saacid ayaa laga sugayaa inuu si dhaqso ah kusoo magacaabo xukumadiisa maadaama uu wax badan daahay, waxaana durba is-haysta qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed.
AOL Muqdisho Office

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.