Home » News »

Madax ka socota dowlada Soomaaliya oo Kismaayo gaaray iyo kulan xasaasi ah oo soconaya

Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa goordhow waxaa gaaray wafdi ka socda dowlada Soomaaliya iyadoona magaaladda amaankeeda aad loo adkeeyay.

Wafdigan ka socda Madaxda dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ku jira Wasiirka gaashaandhiga dowlada Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, Taliyaha ciidamada xooga dalka Gen C/Qadir Cali Diini iyo Madax kale oo caalami ah.

Haatan waxaa ay kusugan yihiin gudaha magaaladda halkaas oo uu ka soconayo kulan xasaasi ah oo dhinacyadaas udhaxeeya.

Ugu horeyn waxaa kulanka kahadlay Axmed Madoobe Hogaamiyaha Kooxda Raaskambooni isagoo ka warbixiyay xaalada Kismaayo iyo howlgalkii ay usoo galeen in magaaladda ay la wareegaan.

Waxaa uu sheegay in Magaaladda ay ka soconayaan howlgalo balaaran oo amaanka lagu sugayo, isla markaana la sugayo in maamul loo dhan yahay magaaladda loo dhiso.

Wasiirka gaashaandhiga dowlada Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo kamid ah Wafdiga dowlada ayaa isagana kulanka ka sheegay in howl wanaagsan ay ahayd qabashada Kismaay, isagoo si gaar ah uga mahadceliyay ciidamada dowlada Soomaaliya, Amisom iyo kuwii garabka siiyay.

Waxaa uu sheegay in qorshaha dowlada ee Jubooyinka uu cad yahay isla markaana la doonayo in maamul loo dhan yahay loo dhiso, amaankana la sugo.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen C/Qadir Cali Diini ayaa isna umahadceliyay ciidamada isgarabsanaya ee Magaaladda ka saaray Shabaab isagoo sheegay in howlgalka uusan kahan doonin Shabaabna guud ahaan Soomaaliya laga saari doono.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in lasoo kordhin doono tirada ciidamada dowlada ee Jubooyinka si loo sugo amaanka Magaalooyinka Shabaab laga qabsado.

Taliyaha Ciidamada Amisom ee goboladda Jubooyinka oo ah Sargaal Kenyan ah ayaa isagana kulanka ka sheegay in amaanka magaaladda uu yahay mid wanaagsna howlgalkana uu sii socon doono.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.