Home » News »

Mahiga: Waa in lagu heshiiyaa Xubnaha Golaha Wasiirada

Ergayga gaarka ah ee QM uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Mahiga ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan lasoo magacaabi doono xukumad kooban oo ay heshiis ku yihiin madaxda dowlada Soomaaliya.

Isagoo kahadlayay Magaaladda Muqdisho ayaa Ergayga QM ee Soomaaliya Mahiga waxaa uu sheegay in kulamo kala duwan uu la qaatay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha dowlada isagoo kala hadlay sidii loo soo dhisi lahaa dowlad awood leh oo kooban.

‘Madaxda dowlada Soomaaliya waan la kulmay waxaana kala hadlay in lasoo magacaabo xukumad loo dhan yahay oo howlo badan qaban karta’ayuu sheegay Mahiga.

Dhanka kale waxaa uu kahadlay howlgalka Amisom ee Soomaaliya isagoo sheegay in ciidamada Amisom loo kordhin doono waqtiga todobaadka soo aadan.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.