Muqdisho, Somalia (AOL) - Kulankan balaaran oo ay saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa maanta ka dhacay magaalada muqdisho kaasoo ay kaqayb qaadnayeen xildhibaanada, siyaasiyiinta, waxagaradka iyo aqoonyahanka kasoo jeeda beesha Sade (Mareexaan) iyadoo lagaga wada arinsanyey xaalada siyaasadeed ee dalka iyo weliba maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Kulankan oo ay ka hadleen siyaasiyiin iyo xildhibaanada baarlamaanka Somalia qaar ka tirsan ee kasoo jeeda beesha sade ayaa inta badan looga hadlay xaalada siyaasadeed ee beesha iyo sidii ay u wajahi lahayd wada noolaanshaha degmooyinka iyo weliba deris wadaaga dadka soomaaliyeed iyo qaabkii looga qayb qaadan lahaa maamul u samaynta gobolada Jubooyinka.
Waxgaradka ayaa isku raacay in si wadajir ah looga qayb qaato dib u dhiska dalka islamarkaana isku raacay ka qayb qaadashada maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo inay ahaadaan kuwo ay dadka ula siman yihiin iyagoo ku wajahaya si nabdoonaani ku jirto Suldaan bashiir xasan maxamed oo kamid ahaa waxgaradkii goobtaasi ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday in loo baahan yahay in si wadajir ah looga qayb qaato dib u dhiska iyo wada noolaanshaha gobolada Jubooyinka dadka ku nool islamarlkaana ugu baaqay beesha sade inay dadka soomaaliyeed si cadaaladi ku jirto wax ula qaybsadaan geba-gebadii kulankaasi ayaa loo xil saaray in guddi ay ku darsadaan beesha Sade maamul u samaynta gobolada Jubooyinka, taasoo loo xil saaray xildhibaan Cabdulaahi Yuusuf Alankey inuu soo gudbiyo gudigaasi.
Si kastaba xaalku ha ahaadee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xili ay aysan jirin maamul si wadajir ah la’isugu raacay oo loo magacaabay gobolada Jubooyinka taasoo laga dhur sugayo dowlada Federaalka Soomaaliya.
————
Yaasiin Faytin, Muqdisho/Somalia.


Waa maxay waa in aan dadka ula sinnaanaa maamul u samaynta Jubbooyinka? Oo dadku maxaa ka dhexeeya soow nin waliba gobol ma leh? Marka Sade hurdaayoow ma waxaad aqbashay in Jubbooyin iyo Gedo 4.5 lagu qeeybiyo oo aay habar waliba tiraahdo, anna waa i kan iyadoo gobolkeedii aay gooni u yihiin?!
War kolleey idinku dhulkiinu waa hibeeyneeysaan horayna Galgaduud baad u soo hibeeyseene, dadka dhulkoodu dhacsanaya ha hoosaasinina.
Warkan, waxbaa ku jira
sida lawada ogyahay beesha sade, way ku kala qaybsantahay armiha jubooyinka. Qorshaha uu wato xasan maxmuud iyo saacid shirdoon waa qorshihii talyaaniga ee ahaa alta juba iyo basa juba iyo gedo, bay iyo bakool1950kii. Sidaan u arko qorsha xun ma’han waayo intii isku af ah oo is fahmi karta, isku maamul ha noqdaan ilayn waa fedaraal. Hadii kale is qabqabsi iyo qabyaalad ayaa ka dhex bilaa banaysa. Naqshadaan kor ku qoran ee sadexdaas gobol maqabaan saacid shirdoon iyo odayaasha muuqdisho kusugan sidaan warka ku helayno
god jab hawl fiican ayaad qabateen waa in aad umidawdaan maamulka jubooyinka iyo Gedo sida lawada ogsoonyahay myjoraty ayaad katihiin 3 daa gobol Gedo iyo labda jubo adinkaana hooskiina laharsan jiray oo dadka somaliyeed ay kalsooni wayn idinku qabaan qolyahaan gab gableh ee IGAD taangiyada kukeentay waa dhalanteed waxay wadaan
keenya waa in ay ku ekaataa dawrkeeda amaan ilaalinta ah iyo al shabaab ladirirka ah sida ugandha iyo burundi iyo jabuuti ay ugu egyihiin hawshii loo xilsaartay
AHAHAHA, ama ka qayb gala ama haka qayb galina, Garbahaarey ayaad idin hirsan, Caasimadda Jubaland waa Bu’aale, Guryaha Kismaayo ka dhisan rag baa iska leh, maxamed Siyaad barre dhimay mana soo noqonayo, caqligii cayr ka dambeeyey ee bare ku riyoodeyna waad aragtaan, marka nin walboow kabaha aad gashanayso lambarkooda waa inaad taqaan, iyo halkaad gaari karto
Dadkii Jubooyinka ee guryahoodii uu cadawgu ka bara kiciyey waxa loo aanaynaya dib u dejin rasmi ah islamarkaana cadow sokeeya ah iyo mid shidheeye oo daalim ah oo kaga soo duulaya,waa laga qabanays daalimiinta ummadda u bartay inay tirtiraan.
sade la aan tii walee in ay jubaland socondoonin sade maraxaan ayaa hogaanka qabanaya hadii kale garisa iyo wajer ama odgii faroole waalnaa baa jubaland u talinaya walee in aysan dhaceyn
ASC waan idinsalaamay dhamaantiin Bahda Saxaafada iyo inta lasocota Shabakada Allgedo.com Salaan kadib waxaan baaq usoo jeedinaynaa guud ahaan Umada wada dagan Deegaanka Jubooyinka walayaal waa laga soo gudbay Deegaankaan lagu dagaalamo iyo qurun iyo qabyaalad maanta waxaa lamarayaa xiligii laga fakarilahaa isfahan wax qabad iyo horumarka Bulshooyinka walaalaha ah ee wada daga Dhamaantood Shalay waa shalay maantana waa maanta iyo wixii soo socda hadii rabi idmo oo siwanaagsan loo wada cabiro arintu waa maxaa noo wada dan ah Hadaan nahay Beelaha walaalaha ah ee wada dagan dhamaanteen Si,aan u higsano Umadaha aayahooda katashaday,