Home » Archive Daily November 4th, 2012

Daawo Video iyo Sawirada Wasiirada Cusub ee la magacaabay iyo Qabiiladooda

Nov 4, 2012
Ra’isul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa maanta shaaciyay golihiisa Wasiirada oo ka koobnaan doona 10 Wasiir oo ay ka dhex muuqdaan wajiyo cusub iyo kuwa horay xilal uga soo qabtay dowladihii hore ee soo maray dalka Soomaaliya. Bal Aqriso Wasiirada Iyo Qabiilada ay kasoo jeedaan: 1.  Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan – Ra’iisul Wasaare ku... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Caawa Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda (Daawo Video)

Nov 4, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Cabdi Farax Shirdoon Saacid ayaa caawa shaaca ka qaaday golihiisa Wasiiradda kadib markii uu la sameeyey latashiyo  madaxda ugu saraysa dalka, Xildhibaanada, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahanada iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan waxaana golaha wasiiradu ka kooban yihiin toban wasiir. Magacyada Golaha Wasiiradda... 

Qarax xoogan oo ka dhacay Kaniisad kutaal Magaaladda Garisa

Nov 4, 2012
Warar naga soo gaaraya degmada Gaarisa ee Gobolka Waqooyiga bari Kenya ayaa sheegaya in qarax dhawaqiisa laga maqlay magaalada uu ka dhacay Gaarisa. Nooca qaraxa ayaa ahaa Bam gacanta laga tuuro waxaana wararka ay sheegayaan in lagu weeraray kaniisad ku taala magaalada Gaarisa. Qaraxa ayaa la sheegayaa in saameyn uu geystay wallow aan la ogeyn cadadkiisa,waxaana uu ka dhacay kaniisada gaar ahaan goob... 

Faah Faahin kasoo baxaysa dagaal ka dhacay degmada Badhaadhe

Nov 4, 2012
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay duleedka degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose. Dagaalkan ayaa waxaa uu udhaxeeyay ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa Kenya iyo ciidamada Shabaab. Saraakiisha dowlada ee Jubadda Hoose ayaa sheegay in dagaalka iyaga lagu soo qaaday uuna soconayay ila xalay. “dagaalka waxaa uu ka dhacay  Deegaanka orod durmo oo shan Kiilomitir... 

Ahlu Sunna Waljamaaca oo digniin xoogan udirtay Ra’isul Wasaare Dr Saacid

Nov 4, 2012
Maamulka Ahlu Sunna Walamaaca ayaa uga digay Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Dr Saacid Faarax Garaad inuu hilmaamo awoodooda. Gudoomiyaha Ah-Lusunna Gobolada Dhexe Sheikh Ibrahim Sheikh Hassan Guureeye ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Dr Saacid looga baahan yahay in si deg deg ah uu usoo magacaabo golihiisa Wasiirada. “Waa in Ra’isul Wasaare Dr Saacid uu si deg deg ah usoo magacaabaa... 

Wariye Cabdirisaaq Yuusuf Cabdala (Kambala) oo sheegay magacyada rag uu ku tuhunsan yahay in ay laayaan Suxufiyiinta (Daawo Video)

Nov 4, 2012
Kaddib markii muddo dheer suxufiyiinta Soomaaliyeed si waxashnimo ah loogu laynayay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan magalaada Muqdisho, ayaa hadda waxaa afka furtay mid ka mid ah wariye-yaashii Muqdisho naftooda ugala soo cararay iminkana ku sugan dalka Koofur Afrika. Wariye Cabdirisaaq Yuusuf Cabdala (Kambala), ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay waxuu daaha uga qaaday in dadka suxufiyiinta laaya...