Home » News »

Kismaayo oo lagu qabtay qof isqarxin lahaa iyo dad laga soo adeegsaday B.Xaawo

Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay ku qabteen xaafada Farajano Nin doonayay inuu isqarxiyo.

Ninkan la qabtay ayaa ku hubaysnaa waxyaabaha qarxa gaar ahaan jaakad iyadoona ciidamada ay ku qabteen halka loo yaqaan Waqda.

Sargaal katirsan ciidamada amaanka ayaa AOL usheegay in Ninkan oo ah wiil dhalinyaro ah xabsiga ladhigay haatana ay baaritaano ku wadaan.

Dhanka kale Mid kamid ah xaafadaha Magaaladda Kismaayo ayaa laga soo qabtay labo Nin oo la sheegay in ay falal qaraxyo ah ka fulin lahaayeen gudaha Magaaladda.

Ragaan ayaa qirtay in laga soo diray qeybo kamid ah Magaaladda B/Xaawo ee gobolka Gedo ayna katirsan yihiin xoogaga Shabaab.

Howlgalo balaaran ayaa ka soconaya gudaha Magaaladda sida ay sheegayaan dadka deegaankana qeybo kamid ah Xaafadaha Kismaayo waxaanan jirin isi socodka dadka.

AOL Muqdisho Office 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Kismaayo oo lagu qabtay qof isqarxin lahaa iyo dad laga soo adeegsaday B.Xaawo "

  1. b/xaawo says:

    waan salaamayaa Allgedo waanan ka helaa wararkiina intabada waxaa kamid tihiin webabka bulshadu kutaqaan xaqiiqda, laakiin hadii aan aduunyadu sikale noqon baladxaawo dadka kasoo jeedo waa dad waxayrabaan ubareero isqarxina tabar kamaraadiyaan dhaqankaas lagumayaqaan reer gedo