Home » News »

Meydka Ruux qoorta laga jaray oo lagu arkay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in la arkay meydka Nin qoorta laga jaray.

Ninkan oo kamid ahaa dadka deegaanka ayaa meydkiisa laga helay  xaafada Buulo Mingis ee magaaladda Boosaaso sida AOL ay usheegeen dad kusugan magaaladda.

Lama Oga kooxdii ka danbaysay dilkaas hase ahaatee dad aan lahadalnay waxaa ay sheegeen in kooxdii dilka gaystay ay goobta ka carartay.

Ciidamo katirsan kuwa Puntland ayaa howlgalo ka wada halka dilka uu ka dhacat ee Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

AOL Boosaaso

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.