Home » Archive Daily November 8th, 2012
Sargaal katirsan ciidamada dowlada oo caawa lagu toogtay degmada Marka
Wararka Ka,imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda lagu dilay.
Sarkaalkaan ayaa la sheegay in uu ka tirsanyahay Ciidamada Dowladda ee Magaaladaasi, waxaana dilkiisa Geystay Rag Bastoolado ku hubeysan.
Lama sheegin Magaca sarkaalka la dilay Laakiin Wararku wexey sheegayaan in Raggi Dilka geystay ay Halkaasi isaga baxsadeen, waxaana...
DAAWO SAWIRADA: Dr Saacid oo ka qeyb galay banaanbax ka dhacay Muqdisho
Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya Dr Cabdi qaadir Faarax Shirdoon ayaa u mahadceliyay bulsho weyntii maanta isugu soo baxday Mudaaharaadkii lagu soo dhaweynayay Xukuumadda Cusub ee uu dhowaan soo magacaabay.
Dr Saacid wuxuu sheegay in ay qaadan doonaan talooyinka loosoo jeediyay, wuxuuna balan qaaday in Xukuumadiisa ay isbadal ku sameyn doonto dalka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa uu...
Wariyaal ku xayirnaa magaalada Kismaayo oo Muqdisho soo gaaray
Waxaa Magaalada Muqdisho kusoo laabtay Wariyayaashii Shalay ku xanibmay Magaalada Kismaayo ee la socday Wafdigii loo diiday in ay Galaan Magaalada Kismaayo.
Saxafiyiintan oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib ayaa loo sheegay in aan amaankooda la damaanad qaadi karin intii ay ku sugnaayeen Magaalada Kismaayo, taasna ay ku qasabtay in aysan dhinac kaga bixin garoonka diyaaradaha.
Diyaarad Gaar ah ayaa...
Banaanbax lagu taageerayo Xukumada Cusub oo Muqdisho ka soconaya
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho iyadoona uu bilowday isku soo bax lagu taageerayo Ra’;isul wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiiarada.
Wararka ayaa sheegaya in banaanbaxan uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayna ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee ururada bulshada.
Banaanbaxayaasha ayaa isugu soo aruuri doona Studiom Koonis...
Madaxweynaha dowlada oo bayaan kasoo saaray doorashadii dalka Mareykanka
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay madaxweynaha Dalka Mareykanka guushii uu ka gaaray doorashadii dhawaan ka dhacday.
Bayaan kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweyne Xasan shiiq Maxamuud ayaa waxaa loogu hanbalyeeyay Madaxweyne Obaama oo guul ka gaaray maalintii shalay ahayd doorashada ka dhacday dalka Mareykanka oo u dhaxeysay Obaama iyo Musharaxa...
DAAWO SAWIRADA: Wafdi ka socda Dowlada oo laga soo celiyay Magaaladda Kismaayo
Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose waxaa shalay gaaray wafdi ka anbabaxay magaalada Muqdisho gaar ahaan xafiiska madaxweynaha dowlada Soomaaliya.
Wafdigaas ayaa markii ay tageen magaalada waxaa loo sheegay in aysan gali karin gudaha magaalada iyadoo loo sheegay in sababo amaan xumo ay jirto.
Gudigaas ayaa dib uga laabtay magaalada iyagoo ka caraysan sida loola dhaqmay maadaama ay ka...
Xildhibaano Walaac ka muujiyay qaraxii ka dhacay banaanka xarunta barlamaanka
Kadib qarax xoogan oo shalay ka dhacay banaanka xarunta golaha shacabka ayaa waxaa arintaas walaac ka muujiyay qaar kamid ah mudanayaasha barlamaanka.
Xildhibaan Pro Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in xildhibaanada amaankooda uusan ahayn mid wanaagsan kadiba qaraxii la doonayay in iyaga lagu weeraro.
‘Waxaa ay gaysteen wax aan la filayn, qaraxa waa muuqatay in loola danlahaa xildhibaanada, taasna...