Home » Archive Daily November 9th, 2012
Banaanbax looga soo horjeedo dowlada Soomaaliya oo Jubada Hoose ka dhacay (Daawo sawiro)
Banaan baxan ayaa maanta si weyn uga socday Dhamaan magaloyinka gobolada Jubboyinka oo ay ka mid tahay magalada Dhoblay, Kaambooni, Buur-gabo, Diif iyo Afmadow, kuwaasoo manta si isku mid ah ay uga socdeen mudaharadkan oo lagu dalbanayay in maamul uu gobolku leyahay loo madax baneeyo in ay dhistaan dadka degan deegaanada Jubbooyinka.
Kumanaan ruux oo ka mid ah bulshada ku dhaqan magalada Dhoblay...
Xaflad lagu taageerayo Wasiirada Arimaha Dibada Drs Fawsiyo Yuusuf Xaaji Axmed oo lagu qabtay Magaalada Caabudwaq “Sawiro”
aflad si weeyn loo soo agaasimay islamarkaasna lagu taageerayo Ra’iisal wasaare ku xigeenada ahna Wasiirada Arimaha Dibada Drs Fawsiyo Yuusuf Xaaji Axmed oo ay soo qaban qaabiyeel shacabka reer caabudwaaq ayaa waxaa ay ka dhacday gudaha magaaladaasi.
Xafladaan ayaa waxaa kasoo qayb galay odayaal dhaqameed, dhalinyaro hooyooyin iyo wax garad kale waxaana madashaasi ka muuqday boorar ay ku xardhan...
Faah Faahin: Howlgalo dad lagu soo qabtay oo ka dhacay Marka
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran ka sameeyay qeybo kamid ah magaalada Marka iyo deegaano kale oo kuyaal Sh/Hoose.
Howlgalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii dilal kala duwan ay ka dhaceen magaalada saacadihii lasoo dhaafay sida uu sheegay Gudoomiyaha degmadaas.
Ku dhawaad 10 ruux ayaa lasoo sheegayaa in ay xabsiga dhigeen ciidamada dowlada kadib howlgalkoodii degmada Marka ilaa dhanka...
Wafdi ka socda Dalka Swedan oo Muqdisho soo gaaray
Wafdi caalami ah ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka socday dalka Sweden una yimid Muqdisho si ay ula kulmaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Mr Tarsan.
Ujedada ugu weyn ee wafdigaan ka socday dalka Sweden u yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa markii ay la kulmeen maamulka Gobolka Banaadir ka dib waxay sheegeen inay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska...
Dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay ka dhacay dilal kala duwan oo qaarkood loo gaystay askar katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya
Rag hubaysan ayaa habeenimadii xalay dilal kala duwan ka geystay magaakada Muqdisho kuwaasi oo la sheegay inay ka baxsadeen goobtii ay dilalka ka geysteen.
Wararka aan ka helayno deegaanka Ceel Turcaaye ee xaafada Suuqa xoolaha ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay ku dileen...