Home » Archive Daily November 11th, 2012

Daawo dood culus oo ku saabsan maamul u sameynta Jubbaland State.

Nov 11, 2012
Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa waayahaan soo wajahay deganaasho la’aan siyaasadeed oo salka ku haysa abuuritaan maamul goboleed ay dabada ka wadaan quwado shisheeye, gaar ahaan kuwa midoobay wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD. Dadka ku dhaqan goboladaan oo wadaaga deegaan iyo dhaqan facweyn, muddo dheerna kusoo jiray deganaasho la’aan... 

DHAGAYSO: Kulamo Maamul loogu samaynayo Jubooyinka oo Kismaayo ka soconaya

Nov 11, 2012
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa shalay gaaray wafdi ka socda Urur goboledka IGAD iyo gudigii farsamada maamul usamaynta Jubooyinka. Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay saraakiil sar sare oo katirsan Raaskambooni, ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya. Kulamo balaaran ayaa ilaa iyo haatan soconaya taas oo la doonayo in looga tashado maamul usamaynta... 

DHAGAYSO: Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay Jubooyinka, Gedo iyo Sh/Hoose

Nov 11, 2012
Afhayeenka dhanka howlgalada Kooxda Shabaab Sh C/Casiis Abuu Muscab ayaa guulo ka sheegtay dagaalo iyo duqeyn ka dhacday qeybo kamid ah Koofurta Soomaaliya. Dagaaladan ayaa si gaar ah kaga dhacay magaalada Garbaharey ee xarunta gobolka Gedo, deegaanada Ceelasha Biyaha ilaa Afgooye ee gobolka Sh/Hoose iyo duqeyn shalay lagu garaacay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo. Waxaa uu sheegay in askar badan ay... 

DHAGAYSO: Xildhibaan ka digay in Jubbada Hoose ay ugacan gasho Kenya

Nov 11, 2012
Mid kamid ah mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobollada Jubooyinka ayaa ka digay in qeybo kamdi ah Soomaaliya ay ugacan gasho Kenya Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xildhibaan C/lahi Sh Ibraahim waxaa uu sheegay in wax walba oo ka jira Kismaayo ay tahay mid u eg gumaysi hadii aan wax laga qabana ay xaalada kasii dari doonto. Xildhibaan Cabdulaahi Sheikh... 

Xudur: Ciidamo tababar loo soo gaba gabeeyay iyo kuwa kale oo Mushaar la’aan ka cabanaya

Nov 11, 2012
Duleedka Magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa tababar loogu soo gaba gabeeyay ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya. Ciidamadan oo gaaraya ilaa 1000 askari ayaa waxaa loogu talagalay in ay ka qeyb qaataan howlgalada lagu qabanayo deegaano gacanta ugu jira Shabaab oo katirsan gobolkaas Bakool. Gudoomiyaha dowlada ee Magaalada Xudur Mxamed Macalin Aadan ayaa sheegay in tababarkan ay bixinayeen... 

Howlgalo ka soconaya qeybo kamid ah Muqdisho iyo dad badan oo xabsiga la dhigay

Nov 11, 2012
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa holwgalo balaaran ka wada qeybo kamid ah magaalada Muqdisho kadib dilal bareer ah iyo falal kale oo amaanka kadhan ah oo ka dhacay. Howlgalka ugu balaaran ayaa ka soconaya Xaafadaha Vie Liberia  iyo maajo ee degmada Waabari, waxaana halkaas lagu arkayaa ciidamo badan oo kuwa dowlada ah isla markaana xitaa guryaha galaya. Ciidamada dowlada ayaa isla degmadaas xalay... 

Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigay Nin dilay taliyihii Militeriga Gobolka Hiiraan

Nov 11, 2012
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii ka danbeeyay dilka Sargaal katirsanaa ciidamada Militeriga dowlada iyo nin kale oo rayid ahaa. Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa gudoomiye kuxigeenka maamulka dolada ee gobolka Hiiraan Axmed Inji waxaa uu sheegay in lasoo qabtay ninkii falkaas dilka ah ka danbeeyay Waxaa uu sheegay in ay maxkamad soo...