Home » Archive Daily November 12th, 2012

Prof. Gaandi oo gaaray magaalada Kismaayo iyo kulamo soconaya

Nov 12, 2012
Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Azania hadana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose. Wafdiga waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay saraakiisha Kenya, Soomaaliya iyo Raaskambooni, waxaana loo gudbiyay xarunta madaxtooyada, isagoo kulamo gaar gaar ah la qaatay waxgaradka, siyaasiyiinta,... 

Xildhibaano isaga horyimid Xaalada Magaalada Kismaayo

Nov 12, 2012
Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan kaga hadlay xaalada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose. Pro Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in lakala cadeeyo in Kismaayo ay tahay magaalo Soomaaliyeed ama magaalo ay Kenya leedahay. Waxaa uu sheegay in gudoonka barlamaanka uu ka dalbaday madaxweynaha... 

Dagaal ka dhacay Saldhiga Degmada C/Casiis iyo Sargaal dowlada ah oo dhintay

Nov 12, 2012
Mid kamid ah saraakiisha dowlada Soomaaliya ayaa ku dhintay kadib weerar xoogan oo xalay ka dhacay saldhiga degmada C/Casiis Ciidamo katirsan kuwa nabad sugida ee gobolka Banaadir ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhiga degmada C/Casiis oo ay kusugnaayeen ciidamada booliska Dagaalka ay qaadeen Ciidamada Nabad Sugida ayaa dhaliyay khasaaro siugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaana khasaaro badan uu soo... 

Garoonka diyaaradaha Kismaayo oo mar kale la duqeeyay

Nov 12, 2012
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaas xalay ay ka dhacday duqeyn xoogan. Duqeyntan loo adeegsaday madaafiic badan ayaa lagu garaacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo sida ay warbaahinta AOL usheegeen qaar kamid ah dadka magaalada. Madaafiicdaas ayaa qaarkood waxaa ay ku dhaceen gudaha garoonka halka kuwa kalana ay agagaaraheeda ka... 

Shabaab isku soo dhiibay maamulka dowlada ee Gobolka Gedo

Nov 12, 2012
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maamulka dowlada ay gacanta ku dhigeen rag kasoo goostay Al-Shabaab. Ragaan soo goostay oo gaaraya ilaa 20 dhalinyaro ah ayaa waxaa ay katairsanaayeen Al-Shabaab-ka kusugan gobolka Gedo sida uu sheegay Sargaal uhadlaya maamulka dowlada ee gobolkaas. Diyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda ee gobbolka... 

DHAGAYSO: Caalin oo xilkii Galmudug ku wareejiyay Timo Kalajeex

Nov 12, 2012
Khilaafkii dhanka maamulka ahaa ee Galmudug State ayaa umuuqda mid kasii daraya kadib markii xilwareejin ay ka dhacday magaaladda Gaalkacyo. Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa Maanta Xilka Madaxtinimada Galmudug ku Wareejiyay Madaxweyne Maxamuud Cabdi Cilmi Timo Kalajeex oo kamid ah Madaxweynayaasha Galmudug. Timo Kalajeex waxaa madaxtinimada loo doortay Xiligii Madaxweyne... 

Ciidamada dowlada oo dad rayid ah ku dilay magaalada Muqdisho

Nov 12, 2012
Ciidamo katairsan kuwa dowlada Soomaalia ayaa dad rayid ah ku laayay degmada Huwraa gaar ahaan xaafada Suuqa Xoolaha. Dad kusugan xaafadaas ayaa warbaahinta AOL usheegay in ciidamo katirsan kuwa dowlada ay rasaas ku dileen sedex qof oo shacab ah ku kale oo intaas ka badana ay dhaawaceen Ciidamada ayaa weydiistay lacag baad ah gaari rakaab ah oo ay dadkan saarnaayeen xaafada Suuqa xoolaha, waxaana darawalkii... 

Xukumada Dr Saacid oo maanta hortagaysa Barlamaanka dowlada

Nov 12, 2012
Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dhagaysan doona waxqabadka ay la imaan doonto xukumada Ra’isul Wasaare Dr Saacid hadii ay codka kalsoonida ka helaan barlamaanka. Kulankan oo horey ubaaqday ayaa xildhibaan Maxamed Cumar oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka waxaa uu sheegay in ladhagaysan doono khudbadaha qaar kamid ah wasiirada. Sidoo kale kulanka waxaa kusugnaan doona madaxweynaha...