Home » News, Waraysi »

DHAGAYSO: Caalin oo xilkii Galmudug ku wareejiyay Timo Kalajeex

Khilaafkii dhanka maamulka ahaa ee Galmudug State ayaa umuuqda mid kasii daraya kadib markii xilwareejin ay ka dhacday magaaladda Gaalkacyo.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa Maanta Xilka Madaxtinimada Galmudug ku Wareejiyay Madaxweyne Maxamuud Cabdi Cilmi Timo Kalajeex oo kamid ah Madaxweynayaasha Galmudug.

Timo Kalajeex waxaa madaxtinimada loo doortay Xiligii Madaxweyne Cabdi Qeybdiid loo doortay, waxaana laga soo bilaabo Xiligaasi uu isaguna ahaa Madaxweyne.

Munaasabadda Xil Wareejinta ayaa wexey maanta ka dhacday Magaalada Gaalkacyo, waxaana kasoo qeybgalay Dadweyne Taageersan Siyaasadda Labada Madaxweyne..

Maxamuud Cabdi Cilmi ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Xilka, laakiin waxaa sidoo kale isaguna Madaxweynanimada loo doortay Madaxweyne Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka taliya Qeyb kamid ah Gaalkacyo.

Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka Caalin

Riix Halkan si aad udhagaysato Madaxweynaha xilka la wareegay

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " DHAGAYSO: Caalin oo xilkii Galmudug ku wareejiyay Timo Kalajeex "

  1. ASC
    waxaan kula talinayaa inay talada ku darsadaan maamuka puntland si ay u kala badbaadaan dhexdooda. Waayo waxaa muuqata in isku dhac uu halkaa kayimaado.Nin aan talin jirin haduu taliyo nin aan tagi jirin ayaa taga ayay soomaalidu ku maahmaahdaa.khubaradii horay uga talin jirtay wili rag baa ka haray ee raadiya, meesha tala ku mahaysaane.

    mahadsanid