Home » Rayi »

Talooyin ku socda Dowldda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Sade

Marka hore waxaan hambalyo iyo bogaadin udirayaa hogaanka cusub ee dowladda Somalia khaasatan Re-isul wasaare saacid oo soo dhisay dowlad kooban oo tayo leh taasoo ka turjmumeysa baahida dadka Somaliyed,hadaan u soo gudbo maqaalkeygan ee aan cinwaan uga dhigay (Talooyin ku socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Sade) runtii aniga marna ma jecleyn faragelinta dowladaha daris ka ah sida Itoobiya iyo kenya maxaa yeelay waxa ay naga haystaan dhul iyo dad waxaana noo dhaxeeyo colaad fog waana kuwii sababta u ahaa burburka wadankeena mar kastana u taagnaa fashalinta dowlad kasta oo la dhiso siduu madaxweynihii hore ee kenyuba sheegay MIO maahmaah somalied baa waxa ay ahayd {nin ku dilay har kuuma jiido} .

Soo galitaankii ciidamada kenya oo markii horoba ahaa mid sharci daro ah sida kan itoobiyaankuba sharci daro u yahay, taasoo shaki badan ay ka qabeen dadka somaliyeed ee wadaniyiinta laakin la isku dayey in dadka la seexiyo iyadoo loo sheegay in kenya ka mid tahay AMISOM taageereysana DFS laakin xaalku sidasi waa ka duwan yahay maanta waxaana u dalil cad u ah dhacdadii kismaayo looga soo ceyrshay wafdigii ka socday dowladda Somalia kaas oo uu magacaabay madaxweynah Somalia Xasan Sheekh horeyna waxaan u haysaney hadalkii Faarax Macalin e ahaa {KULBIYOW LOOGAMA TALINAYO MUQDISHO MAR DANBE NINKAa KU FIKIRAYANA WUXUU KU NOOLYAHAY QARNI KALE} waxaa ka sii daran kenya oo ka soo aruurisay dhalinayo badan xeryaha Qaxootiga kuwa badan haysta shariciga wadankeeda kuna sheegtay iney yihin  Somali National Army laakin ka amar qaadanayo Saraakiisha Kenya somaidu waxa ay tiraahdaa (DOQONTA  KU DHUFO USHA AGTEDA HADAY GARAN WEYDANA KU DHUFO KOREDA) hadaba  ogaaney cidda Kismaayo heysato xaqiqdii ee maxaa xal ah?
Waxaa soo jeedinayaa dhowr talo oo ku socot Dowladda iyo shacabka ku nool gobalada Gedo iyo Jubooyinka.

DOWLADDA

Kow Dowladdan iyada ayaa isdishay markii ay ogolaatay maleeshiyooyin  ay dabada ka riixayaan dowladaha Itoobiya iyo Keya iney ka dagaalamaan gudaha wadanka kuwaas oo aan ka amar qaadaneynin Dowladda dhexe  sida Raaskanbooni iyo Suufiyada waana khaladaadkii ugu weynaa oo ay gashay Dowladdii Ku-meelgaarka hadaba waa in arintaas dhamaataa askari aan ka amar qaadaneynin  Wasaaradda Gashaandhiga Soomaaliya waa inaan loo aqoonsanin askari dowladeed  lana kala diraa maleeshiyooyinka Raaskanbooni iyo Sufiyada illeen waxaa dhistay Itoobiya iyo Kenya:

1-  waa in dowladda kula dhaqantaa gobolada Somaliya siyaasad isku mid ah  si looga fogaado xasaasiyadda qabiilka
2-  waa in dowladda wadanka ka sartaa dhamaan ciidamada Itoobiya iyo Kenya laguna badali ciidamada kale ee AMISOM
3-  waa in Dowladda soo dhistaa maamulo cusub oo ka amar qaata  iyadoo la kaashaneyso dadka degaanka ah
4-  waa in dowladd u sheegtaa Igad iyo ururada kaleba in ay faraha kala baxaan arimaha gudaha wadanka Somalia
5-  waa in Madaxda ugu sareyso dowladda dadk u sheegeen waxa ka socda wadanka  oo codkooda la maqlo ugu danbeyn waa in dowladda sharafta dowladnimo ilaalisaa oo siyaasad cad la timaadaa wadankana ku  hogaamisaa dowladnimo iyadoo kaashaneyso shacabkeeda.

SHACABKA GOBALADA GEDO IYO JUBOOYINKA EE BEESHA SADE

Shacabka u nool gobolka Gedo iyo Jubooyinka waxaan leeyahay waa inaad la shaqeysaan dowladda Soomaliyeed  oo aad diidaa faragelinta qaawan ee ay kenya waddo oo aadan marna  u daba fadhiisan maamul u sameynta gobolada Gedo iyo Jubooyinka  KIIKUUYADA iyo Somali Sijuu-da Faarax Macalin iyo Yuusuf Xaaji hogaaminaayan iyo maleeshiyooyinka xeryaha Qaxotiga laga soo aruuriyey, waxaana idin soo jeedinayaa dhowr qodob.

1-  inaad qabataan mudaaharaadyo lagu diidan yahay faragelinta Kenya kuna canbaareysaan dhacdadii Kismaayo
2-  in la qabto shir deg deg ah kana soo saaraan qodobo qeexayo meesha aad ka taagan tihiin maamul u sameynta goboladan
3-  in lagu dhawaaqaa af-hayeenka dhaqanka ee gobolada Gedo iyo Jubooyinka   kuna hadlo afka Beesha
4-  in ay la yimadaan Siyaasiyiina  Beesh Sade siyaasad cad oo ku wajahan gobaladan iyo maamul u sameyntooda
5-  in il gaar ah lagu hayo maleeshiyoonyinka laga soo aruuriyey xeryaha Qaxootiga loona sheego ineysan ka gudbin RED LINE-KA oo aysan gobood fal ka geystan magaalada Kismaayo ugu danbeyn waxaan leeyahay yeysan dhicin gashaanti aamuskaa lagu mehriyaa  waa in aad cod dheer ku sheegtaan waxa aad dooneysaan  dowladdana kala saqeysaan maamul u sameynta goboladan.

————
Mohamed Ibrahim, akhunaa114@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Talooyin ku socda Dowldda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Sade "

  1. Ganane boy says:

    Sxb ninkadan qoralkan soqoray runti waxa tahay nin war la’an ey hayso o an waxbo kalasocon arimaha gedo iyo juboyinka horta hadan inyar kudarensiyo wax {besha sade} ladhaho majiran waxana ugudanbeysay magacas wagi bari samaga hokan kadhexeyo o eyleyihin ama yelandonana majiro gedo na mamul losameyn karo majiro waxanan laqabsanay nolashan kadhac kadaga ah iyo dagalada waxanan kuso qaan garnay dagaal iyo qalalaso wax dowlad layirahdo o an aqonsanahayna majirto waxana horey loyiri {nin tur leh sidu usexada asaga yaqana} dowlada ad shegeysana kenya iyo ethiopia aya nodhama maxa yelay cidama ayey nosotababaren cidamada ayaga ahna aniga ayaba kamid ah marka sxb nin war la’an ey hayso ayatahay e carurtada uxiro niyadana kasar dowlada iyo jubaland iyo besha sade iyo waxa adshegeyso odhan ilen hora waxa loyiri {where the hyena is judge the goat has no right} micnaha melu waraba xakin kayahay rida xaquq kama lahan marka anaka aya ah warabaha anagana og waxa danta nada kujirto

  2. viv somalia and jubaland ayagaa ladhahaa kuwa adoonta wato haday iskiriyaane walayaqanaa sida lola dhaqmi wiilashi madmadobaa ayaa usosocdo bare hirale ne muqdisho uu dhexda hada u hayaaa uu imaan waa la isbaran adoonta ma ku agfadhinayaan waligood kowaan qaxotiga kayimidne qoxooti baa lagadhigi oo xero qoxooti baa loofiri

  3. zakia says:

    ganane boy walaal marka dantaada maxa waye marhadaadna lajirin cidna adigu yaad tagertaa ? biya dhacaaga bal ii so garsii?