Home » News, Waraysi »

DHAGAYSO: Ra’isul Wasaaraha oo ka hadlay Maamul u samaynta Jubooyinka

Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr. Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) ayaa si adag kaga hadlay arimaha maamul u samaynta goboladda Jubooyinka.

Waxaa uu sheegay in maamul u samaynta gobolada dalka ay tahay howl u taal shacabka degan gobolada, dowlada Soomaaliyana ay gacan ka siinayso.

Dr. Saacid ayaa si gaar ah kaga hadlay xaalada Maamul u samaynta Jubooyinka oo muddooyinkaan danbe uu khilaaf xoogan ka taagnaa, waxaana uu sheegay inuusan hayn qorsho aan ahayn kan dastuuriga ah.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in xukumadiisa ay ka shaqeyn doonto Arimaha amaanka iyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan goboladda dalka.

Riix Halkan si aad u dhagaysato Hadalka Dr. Saacid

AOL Muqdisho Office
 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

15 Jawaabood " DHAGAYSO: Ra’isul Wasaaraha oo ka hadlay Maamul u samaynta Jubooyinka "

  1. mr.galgalato says:

    mudane raysal wasaare afkaaga caano alle ku qabay yaan marna laguu adeegsan shacabkaaga halyey ayaad noo tahay maanta wadadaas haka leexan sadexda gobol ee walaalaha ah ee isku biyaha ah ee naaska wada nuugay iyagaa tashanaya walaahi baanan jabuuti fikrad xun oo ka timi loogu talin mahadsanid mudane raysal wasaare alla haku xafido VIVA JUBALAND VIVA PUNTLAND VIVA SOMALIDA ETHOPIA VIVA SOMALIDA KENYA ALLAAHU AKBAR CIDNA DANBI IYO QALAD LA,AADI MAYNO DADKEENA IYO MAATADEENA INAN U TASHANO WAA WAAJIB DASTUURI AH

  2. A.A.Xade says:

    Well done Mr Saacid, weligaa shirciga ku taagnaaw hana isu arkin nin uu nin kale xilka u dhiibtay. Ogsoonowna beelweynta aad ka dhalatay hadba meeshaad is dhigto iyagana dhigto ayaay ku dhigi doonaane.

  3. mohammed ali says:

    Waa hadal wanaagsan raysal wasaara saacid hadalkiisa, wuxuuna u hadlay si nadiif ah oo karti iyo dadnimo leh. Halkaa kawad mudane, amaankaagana ilaali waayo magaaladaa joogto maleeshiyaadka haysta wuu dhibayaa warkan oo way ka dagaalamayaan mustaqbalka dhow.
    Ibnu xalaal saacid

  4. Buurfuule says:

    Asc, Salaanta Islaamka ka dib waa wixii looga baahnaa RW, kuwii shacabka Soomaaliyeed 22 sano hortaagnaa una adeegsaday shacab masaakiin ah inay qabiilo isaga horkeenaan ha ku quusteen hadalka RW, waana ku mahadsan yahay RW inuu cadeeyo in la ixtiraamo sharciga Dalka u degan. Asc

  5. Wiil DAAROOD says:

    Waxan aad iyo aad ugu hanbalyay-nayaa Ra’isul wasaaraheena qaaliga ah, hadalkaan waa hadalkii aan ka filanaynay hadaan nahay beelweynta uu ka dhashey,, waxana leeyahay halkaas ka sii wad. mas’uul kasta dadkiisa in uu difaaco waa waajib waajibadka saaran kamid ah….. allgedo mudo hore ayan hoos wax ku soo qori jirey anoo jecel in aan arko ????? midoobey sharafti dalkana soo celshay hadase way muuqataa ifafaaladaas.

    waxan kaloo halkaan uga hanbalyaynayaa A.A.Xade oo ku jiro dadka fahansan dibirta lala damacsan yahay ????…..qoraalkaaga ayaa aad ii soo jiitey halkaas kawad guubaabada dadka ehelka ah.

  6. Wii puntland says:

    Ra’isul saacid IL, iyo Cowri La.OW war sade daarood doqon madhalo dhanka yagay kubateen sawiradu kuli waa meel ku aad geesiyaal karti badan iyo wax qabad badan muwaadinin ah waxaan kabaqayay waa nin naag kaqabo waa laydinku kar,baashi doona warninkan halala shaqeeyo oo cudud iyo calafba waa in lala garab istaago

  7. Buuhoodle says:

    Guulayso Saacid
    Jubaland State iyo Puntiland State yaan dhankaaga looga soo dhicin

  8. GEDO Boy says:

    Ishcalaa, Raisalwazaare, mudane sidaa baa lagaa doonaya waligaa yaanan dadkaga lagaa horkeenin, run ahaantii waxaad u hadashay sidi lagu aqoon jiray mas’uul qaran, waana kaga mahad celinayaa sida qayaxan,oo aad mowqifkaada u caddesay, adeer hala fahmo dowladu inay FADARALISM Tahay, inti isku dan isku diir iyo isku dal ahbo ay ayahooda ka tashtaan, madaxwaynaha marka waa inuu ixtiraama, distuurka waddanka u yaalo dhaarna u ku maray inu dhowri doono, dadka degaanka jubboyinka iyo gedo, waxan u sheegi lahaa, inaad gacmaha is qabsatan, o aad is walaashatan, kana fakadhaan mustaqbalka caruurtina iyo maatida dayacan, JUBBALAND STATE. Guul Guul..

  9. Baashane says:

    Khud-badda R/W Saacid ,Waa mid Ruxdaay Quluubta Dhamaan Inta Nabadda iyo Daawladnimadu U baahan,khaasatan,Dadka U dhashaay Jubbaland,oo sigaara U Eegaya wax qabadka Daawladda Dr.Saacid Una ooman sidaay Nabad iyo wadajir ugu Noolaan La haayeen,Una soo Ceshan La haayeen Sharftii Daawladnimo,Waxaan U Rajaaynaaynaa Daawladda Dr: Saacid

  10. abu ahmed says:

    aad iyo aad ayaan usoo dhowaynayaa hadalka raysalwasaaraha aniga oo aysan igu jirin wax caadhifad ah waxaan ugu hambalyeynayaa hadalka wanaagsan ee uu iftiimiyey kaas oo aan filayo in badan oo shacabka soomaaliyeed ah inuu aad ubadalay wixii ay aaminsanaayeen khalad haigu ahaatee waxaan aminsanaa inuu madaxweynuhu doortay nin uu ushiisa kaqaadan karo. well done doctor saacid

  11. zamzam says:

    Masha aalh masuul qaran oo weliba cod ka ah waaan kaaga mahad celinyaa mudane sacid sida aad ugu dhiiratay in dadku fahman sharciga la wada dhigtay ee ah fedralizim aka waana taad ugu sheegtay in gobol walba uu xaq u leeyahay in aygy aayahood ka tashadaan mana aadan sheegin wax sharciga ka baxsan. waxan ahaa dadkii la yaabana sida aad ugu dabaalan doonto probogada lagu shidayeyy jubboyink

    waadse ka baxsatay weligaa sharciga dalka ilalai hana u kala eexan soomli waayo ayagaa ayaad msaul u tahay ogow inaad xaqiiqda ka wardoonto marka aad la xisaabtaayso wasiiradaada oodan sugin xaashi a soo qoray iy afka oo layska mriyo kliya ee aad soo aragato waxqabadka wasiir walb sidaasa sumacad iyo magacaba ku heli kartaa

  12. Aslaamucalaykum
    waxaan salamayaa Dhamaan Akhristayaasha Allgedo.com waxana hanbalyo iyo salaan diran udirayaa Mudane saacid waxaanayaan dhwayd akhriyay maqaal niman qoreen iririisin ah oo ay leeyihiin H.sh waa uu ku khaldamay dr saacid oo ay ula jeedaan mahan Yes man waxay ii noqotay iftiim wayn oo aan ifsado waayo awal waxaan ka baqayay in daarood la isu adeegsado taasina ma dhacayso insha alaah for eve waayo Daarood nin liitaa kama dhasho waxaan aad ugu faraxsanahay Dr saacid inuu yahay Muwaadin waxaan ilmeeyay Habaynkii Khubadiisa markaan dhagaystay waxaan soo xusuutay ilaahay ha u naxariistee G. Mohamed Siyad Bare Nin baa ila soo hadlay markaa suu igu yiri maanta waxaa la doortay Siyaad bare Mudane Saacid Dadka samaanta jecel iyo umada wanaaga rabtaba wa akula jirtaa daarood oodhan baa ku garabtaagan Kursigana kuma keenin ee waxaad ku fadhidaa Fadliga alle kadibna fadliga Daarood iska celi wixii siyaasad qadhmuun kuula yimaada oo sharciga mari guulayso guulayso waligaa guushana waxaa saldhig u ah Cadaalad Via Dr saacid

  13. ASC WAXAAN SALAAMAYAA Ra’isul Wasaaraha Dr. Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) WAANA KUMAHADSAN YAHAY ARAGTIDIISA SAXDA AH EE LAGA WADA SUGAYEY WAANA MID SIDII KUHABOONED UU UGU DHAWAAQAY MADAXWEYNAHA IYO XUBNAHA DOWLADA DHAMAANTOODNA WAXAAN KASUGAYNAA INAY KURAACAAN MOWQUFKAAS SIDA SAXDA AH LOOGU MUUJIYEY SILOO DHAMESTIRO WAX YAABAHA QABYADA AH LOONA DARDAR GALIYO HABSAMI SOCODKA DOWLADA IYO MAAMULADA FEDERALKA EE LOOBAAHNAA INLAWADA DHAMESTIRO LOONA HURO MARIYO NABADA SINAANTA CADAALADA IYO WADA NOOLAANSHAHA UMADA SOOMAALIYEED EE 22 SANO BURBURKA IYO BAAHIDA KUJIRTAY LOOGANA GUDBO JAHWAREERKII SIYAASADEED EE, INTAAS KALA FOGEYNAYEY UMADA WALAALAHA AH INSHA ALLAAH

  14. ahmed rashid says:

    WAXAAN AAD UGU FARAXSANAHAY DR. SACID SIDA UU UGU DHAQMAYO TASTUURKA U YAAL DALKA OO UU KU DHEERAN YAHAY ISAGOO KU DHAARTAY IN UU ILAALENAYO TASTUURKA.WAA WAXA KALA HAGE KARA SHARCEGA UMADA SOMALI YA.waxaan leeyahay DR.SACID KU DHAQAN AMA KU HADAL MARKA AAD KHUDBEEYNEEYSO AMA AMAR BEXINEEYSO TASTUURKA. WAXA UU QABO TAAS AYAAD KU LEEDAHAY MUDNAAN IYO HOGAAMIN WANAAGSAN.waan kuugu hambalyeey nayaa.WAAD MAHADSANTAHAY

  15. bashiir says:

    asc r.w saacid iyo inta kale ee akhrisataba wa wax lagu farxo in nin kasto oo meesha naga galo ay soomaali oo dhami ku qanacdo wa farxad wayn jubooyinka iyo gedo dad walaalo ah ayaa dagan wayna heshiin nayaan hadalka RW sacidna waa uu adkaynayaa marka cadawkeena alla ha cadaw ha u bixiyo wana laguu laysan doonaaaaaaaaaaaaaaaaaaa insha allah