Home » Archive Daily November 15th, 2012

Maxamed Dheere oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Magaalada Muqdisho

Nov 15, 2012
Warar goordhow naga soo gaaray xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu geeriyooday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere.) Maxamed Dheere oo soo noqday gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku geeriyooday Isbitaalka ciidamada Amisom ku leeyihiin xarunta Xalane, iyadoona waayadan uu xanuunsanayay. Waxaa uu soo noqday gudoomiyaha gobolka Banaadir, sidoo kalana waxaa uu soo ahaa gudoomiyihii... 

DHAGAYSO: Madaxweyne Xasan Sh oo kahadlay dhoofinta dhuxusha Kismaayo

Nov 15, 2012
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa si adag kaga hadlay arinta dhoofinta dhuxusha oo uu ku sheegay in ay tahay mid aan la qaadan karin. Waxaa uu sheegay in nabaad guur ay ka dhalan karto deegaanada dhirta laga soo jaray, wisagoo carabka ku adkeeyay in marnaba aan laga laaban doonin go’aankii QM ay cunaqabataynta ku saartay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya. Madaxweynaha dowlada... 

Mareykanka oo dadka la baadi goobayo ku daray AL-Mansur AL-Amriki

Nov 15, 2012
Warbaxin ka soo baxday Hay’ada FBI Mareykanka ayaa iminka waxa ay liisku dadka Mareykanka uu doodoonayo ku dartay mid ka mid ah muwaadiniin Mareykan ah oo ka dagaalama Soomaaliya islamarkaana qeybka ah dagaalyahanada Al-Qaa’ida ee Soomaaliya ku sugan. Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters Cumar Shafiq Hamami oo loo yaqaano AL-Mansur AL-Amriki oo 28-sano jir ah ayaa Mareykanka waxa uu ku daray... 

Nuur Cadde oo soo dhaweeyay Ansixinta Xukumada Dr Saacid

Nov 15, 2012
Danjiraha dowlada Soomaaliya ujooga Midowga Yurub ayaa si diiran usoo dhaweeyay ansixintii dhawaan ay mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya Anisixiyeen xukumadda kooban ee Ra’isul Wasaare Dr C/Faarax Shirdoon. Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa R/wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Nuur Cadde ahna wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya iyo safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga ayaa waxa uu markii... 

Fiqi: Waa la qaramaynayaa Maleeshiyaadka kusugan goboladda dalka sida Kismaayo iyo..

Nov 15, 2012
Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhiga dowlada Soomaaliya C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la qaramayn doono ciidamada maleeshiyaadka ah ee ka bar bar dagaalamaya ciidamada dowlada Soomaaliya ee goboladda dalka kusugan. Mr Fiqi ayaa sheegay in ay dhawaan gaari donaan magaalooyinka ay maleeshiyaadkaas kusugan yihiin sida Kismaayo Beledweyne iyo qeybo kale oo katirsan... 

DHAGAYSO: Xasan Sheikh oo sheegay in maamul dibada laga keenay aan Jubooyinka lagu dhaqi doonin

Nov 15, 2012
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo hadal dheer ujeediyay bulshada Soomaaliyeed ayaa kahadlay arimaha maamul usamaynta goboladda Jubooyinka. Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisa aysan cadow ku ahayn maamul loo sameeyo Jubooyinka oo waliba ay samaystaan dadka deegaanka. Shacabka degan Jubooyinka ayuu usheegay in aysan dowladiisa cadow ku ahayn isla markaana arinta maamul usamaynta... 

DHAGAYSO: Turkiga oo sheegay in Soomaaliya iyo Turki ay isku dal iyo isku dad yihiin

Nov 15, 2012
Kadib markii shalay magaalada Muqdisho uu soo gaaray wafdi caalami ah oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada ee dalka Turkiga Axmed Daa’uud Oglo ayaa waxaa uu sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya ay yihiin dal walaalo ah. Sidoo kale Waxaa uu sheegay in dadka Turkiga ay yihiin Soomaali yihiin ,kuwa Soomaalida ahna ay Turki yihiin isla markaana aysan meelna ku kala duwanaan karin. Soomaaliya ayuu... 

Faah Faahin: Qarax qasaaro gaystay oo ka dhacay Xaafada Islii

Nov 15, 2012
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi dalka Kenya, qaraxaasna waxaa uu gaystay qasaarooyin kala duwn. Qaraxa ayaa ahaa bambooyin nooca gacanta lagu tuuro ah oo lagu weeraray Dukaan ama Super-market aad uweyn oo kuyaal xaafada Section Three oo ay dadka Soomaalida ah  ku badan yihiin. Inta la ogyahay 5 ruux ayaa dhaawac uu kasoo gaaray...