Home » Archive Daily November 16th, 2012

Ugaas Maxamed Wali Sheekh Axmed Nuur oo ay BBC ka wareysatay arrimaha maamul u sameynta Jubbooyinka (Dhageyso)

Nov 16, 2012
Ugaas Maxamed Wali Shekh Axmed-nur oo ka hadlay Arimaha Jubooyinya ayaa waxaa waraysi layeeshay maalintii shalay BBC Qaybta Af Somaliga ku hadasha. Ugaas Maxamed Wali ayaa si qayaxan uga hor yimid qorshaha maamulka loogu samaynayo Jubooyinka iyo Gedo oo dhawaan la filaayo in laga hirgaliyo koonfurta Soomaaliya.  Ugaaska ayaa waxuu sheegay in arrimaha Kismaayo Somalidu go’aamin karto isla markaana... 

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo taageeray maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo (Dhageso)

Nov 16, 2012
Wareysi ay BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga la yeelatay Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa waxaa lagu waydiiyay su’aalo la xariiray maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. Kaliil ayaa waxaa uu yiri “waa la soconaa, waxna waan ka ognahay in bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay sameystaan maamul goboleed ay ku mideysan yihiin, waa soo... 

Kulankii 4aad ee Ururka Waxbarashada iyo Caafimaadka oo Dhawaan ka dhici doona Seattle.

Nov 16, 2012
Ururka Waxbarashada iyo caafimaadka ee African Development for education and health (ADEH) ayaa qabanaya kulankiisiii 4-aad ee uu qaban jiray kuna soo bandhigi jiray wax qabadkiisa sanadkii tagay. Kulanka sanadakan waxaa uu ka dhacayaa Magaalada seattle, ee gobalka Washington gaar ahaan xaafadda New-Holly. Adress-ku Waa: 7054 32nd Ave S Seattle WA 98118 Waqtiga: 4:00 PM- 9:00 PM Halka hoose ka eeg... 

Askar Kenyan ah oo lagu toogtay magaalada Garisa

Nov 16, 2012
Wararka ka’imaanaya Magaalada Gaarisa ee xarubta Gobolka waqooyiga Bari ee Kenya ayaa sheegaya in Goor dhoweyd Askar lagu Togtay Bartamaha magaalada. Sida wararku Sheegayaan Labo Askari ayaa lagu Toogtay Gaarisa waxaana la sheegay in dilkoodu ay ka Dambeeyeen Kooxo Bastooladley ah. Askarta La toogtay ayaa wexey ka mid ahaayeen Dharcadka ama CID-da Dowladda Kenya waxaana Xiligii la tooganayay ay dhex... 

Dagaal ka dhacay Kismaayo iyo Xaalada oo maanta degan

Nov 16, 2012
Waxaa xalay dagaal xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalka uu dhex maray xoogag ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab iyo Ciidamada huwanta ah. Sida uu Saaka kusoo waramayo wariyaheena Deeq oo ku sugan Magaalada Kismaayo, xoogag ka tirsan Alshabaab ayaa xalay weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidamada Huwanta ku leeyihiin Xaafada Via Afmadow ee magaaladaasi, waxaana saldhigaasi... 

Gaadiidka Ciidamada Amisom oo gabar yar ku jiiray Magaalada Muqdisho

Nov 16, 2012
Gaari nooca qafilan ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa jiiray gabar yar oo soomaali ah, waxaana uu ku jiiray Degmada Warta Nabada ee Magaalasa Muqdisho. Gaariga oo ay wateen ciidamo AMISOM ah ayaa Maanta jiiray Gabadha yarta ah, waxaana gabadha isla markiiba ay ku naf baxday goobta. Mid ka mid ah goob-jooge la hadlay warbaahinta  ayaa  sheegay in uu arkayay gabar yar oo wadada...