Home » News »

Askar Kenyan ah oo lagu toogtay magaalada Garisa

Wararka ka’imaanaya Magaalada Gaarisa ee xarubta Gobolka waqooyiga Bari ee Kenya ayaa sheegaya in Goor dhoweyd Askar lagu Togtay Bartamaha magaalada.

Sida wararku Sheegayaan Labo Askari ayaa lagu Toogtay Gaarisa waxaana la sheegay in dilkoodu ay ka Dambeeyeen Kooxo Bastooladley ah.

Askarta La toogtay ayaa wexey ka mid ahaayeen Dharcadka ama CID-da Dowladda Kenya waxaana Xiligii la tooganayay ay dhex marayeen Magaalada Gaarisa.

Dadka Gaarisa ayaa Walaac Ka Muujiyay Madax Jabiyayaasha kusoo badanaya Magaalada, Wexeyna Gaarisa Noqotay Sida Magaalo ka mid ah Soomaaliya oo Kale.

Horey Waxaa Gaarisa loogu Tilmaami jiray Deegaanada ugu Nabadda badan Bariga Afrika, waxaana Sidaasi lagu Sheegay Warbixin Caalami ah.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.