Home » News »

Dagaal ka dhacay Kismaayo iyo Xaalada oo maanta degan

Waxaa xalay dagaal xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalka uu dhex maray xoogag ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab iyo Ciidamada huwanta ah.

Sida uu Saaka kusoo waramayo wariyaheena Deeq oo ku sugan Magaalada Kismaayo, xoogag ka tirsan Alshabaab ayaa xalay weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidamada Huwanta ku leeyihiin Xaafada Via Afmadow ee magaaladaasi, waxaana saldhigaasi la sheegay inay dagan yihiin Ciidamada Kenya.

Dagaalka waxaa la’isku adeegsaday hub kala duwan, waxaana dhawaaqa rasaasta laga maqlayay xaafadaha Magaalada Kismaayo, shacabka ayaa qalqal galay, iyagoo qaarkood aysan hurdo ka soo dhicin.

Inkastoo dagaalka uu xooganaa hadana khasaarihiisa lama ogaan karo, maadaama uu xili habeen ah dhacay, waxayna ciidamada Kenya ay xalay noqdeen kuwa ku aruuray daafaca.

Inta badan Habeenkii Magaalada waxaa ka taliya oo weeraro qaada Alshabaab, halka Maalintii ay ka taliyaan Huwanta, iyagoo sameeya Baaritaano iyo sugida amniga.

Magaalada Kismaayo ayaa hada waxaa ka socda qorshe looogu sameynayo maamul Goboleed, kaasoo ay gadaal ka riixayaan Urur Goboleedka IGAD iyo Dowlada Kenya oo Soomaaliya ku joogto magaca AMISOM.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.