Home » News »

Gaadiidka Ciidamada Amisom oo gabar yar ku jiiray Magaalada Muqdisho

Gaari nooca qafilan ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa jiiray gabar yar oo soomaali ah, waxaana uu ku jiiray Degmada Warta Nabada ee Magaalasa Muqdisho.

Gaariga oo ay wateen ciidamo AMISOM ah ayaa Maanta jiiray Gabadha yarta ah, waxaana gabadha isla markiiba ay ku naf baxday goobta.

Mid ka mid ah goob-jooge la hadlay warbaahinta  ayaa  sheegay in uu arkayay gabar yar oo wadada si orod ah ku gooysay, balse uu kala gooyay baabuurka qafilan ee ciidamada AMISOM.

Gabadha yar ayaa da’deeda lagu sheegay 4 ilaa 5, waxaana qaaday meydka gabadha yar eheladii dhalay oo aad u ooynayay.

Ilaa hada wax war ah kama soo bixin Taliska Ciidamada AMISOM oo ku aadan shilka ay ku dileen gabadha yarta ah, waxaana ciidamada AMISOM ay bilihii ugu dambeeyay baabuurtooda ay marsiiyeen dad aad u badan.

Ciidamada jooga Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa inta badan gawaarida ay wataan waxa ay mariyaan shacabka iyo caruurta da’da yar, iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo xili joogay Muqdisho ay ku dileen ilaa Tobaneeyo qof.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.