Home » News »

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo taageeray maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo (Dhageso)

Wareysi ay BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga la yeelatay Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa waxaa lagu waydiiyay su’aalo la xariiray maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kaliil ayaa waxaa uu yiri “waa la soconaa, waxna waan ka ognahay in bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay sameystaan maamul goboleed ay ku mideysan yihiin, waa soo dhaweyneynaa waana taageersanahay fekerkaas.”

Mar uu ka jawaabayay su’aal la xariirta saameynta ay ku yeelan karto dowladda Federaalka Soomaaliya maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa uu ku jawaabay “ma filaayo in wax carqalad ah uu maamulkani kala kulmi dono dowladda Soomaaliya, waayo dalku waxuu leeyahay dastuur u ogolaanaya in 2 gobol ama wixii ka badan ay ku midoobi karaan maamul ay sameysteen dadka ku dhaqan goboladaasi.”

Dhanka kale, Kaliil ayaa waxaa uu ka digay in la marin habaabiyo fekerka fiican ee maamulka loogu sameynayo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo Kismaayo lala yimaado qorshe horay loo sii diyaarsaday.

  Halkaan ka dhageyso wareysiga Kaliil oo dhameystiran

———————————————-

Xildhibaan Hilowle Aden Maxamuud oo isna kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa horay u taageeray maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Guji link-iga hoose si aad u akhriso qoraal la xariira taageerada Xildhibaan Hilowle una dhageysato fekerka uu ka qabo maamulka Jubbaland ee dhawaan la sameyn doono:

http://www.allgedo.com/2012/11/05/xildhibaan-hilowle-aden-maxamuud-oo-sheegay-in-dadka-kasoo-jeeda-gobolada-jubbooyinka-iyo-gedo-laga-rabo-in-ay-sameystaan-maamul-goboleedka-jubbaland-dhageyso-wareysi/

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo taageeray maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo (Dhageso) "

  1. wadani says:

    waad mahad santahay G.gobalka Gedo mr kaliil waan ka filaynay taagaradan

  2. kamaal says:

    Mr, kaliil waxaad tahay masuul da yar oo soo qabtay shaqo aad u adag sida ka saarida gobolka shayadiinta al shabaab iyo dhowrista sharafta iyo karamada gobolka gedo waanan kaaga mahad celinaynaa shaqada aad noo hayso….

    waxaad sameesay is fahan iyo kala danbayn dhamaan degmooyinka gobolka waxaad muujisay wada shaqayn iyo maamul wanaag iyo in gobolka uu yeesho hal nin oo ay ka godo arinta maamulka waanuna tageeraynaa go’aan kasta oo aad gaarto ilaahayna garabkaaga ha hago…adiga iyo raga kula shaqeeya min doolow ila bardheere ilaa beledxaawo….shaqo fiican ayaad noo haysaa wanana kuugu mahad celinaynaa…