Home » News, Waraysi »

DHAGAYSO: Ahlu Sunna Waljamaaca oo si adag kaga hadashay Maamulka loo samaynayo Jubooyinka

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo ayaa si adag kaga hadlay arinta ku aadan maamulka loo samaynayo gobollada Jubooyinka.

Dadaalo maamul loogu samaynayo deegaanada Jubbaland oo kala Jubbada Hoose , Jubbada Dhexe iyo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay ka soconayaan gudaha Kismaayo iyo magaalada Nairobi.

Isagoo lahadlayay qaar kamid ah saxaafada Afhayeenka Ahlu sunna ee Gobolada Koofureed Sheikh Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa waxaa uu sheegayn inaysan ogolaan doonin maamul aan lagala tashan oo laga dhiso Gedo,Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Afhayeenka wuxuu sheegay in marka hore muhiim ay tahay la Alshabaab laga wada saaraa deegaanada ay kaga sugan yihiin goboladaasi,kadibna loosoo jeesto maamul u sameynta Jubbooyinka.

Sheikh Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa dhanka kale sheegay in maamulka loo sameynayo Jubbaland la doonayo in laga wada tashadaa islamarkaana aysan jiri karin cid si gar ah u sameyn kartaa maamulkaasi.

Hoos ka dhagayso Waraysiga

Riix Halkan si aad Waraysiga udhagaysato

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

5 Jawaabood " DHAGAYSO: Ahlu Sunna Waljamaaca oo si adag kaga hadashay Maamulka loo samaynayo Jubooyinka "

  1. cali says:

    ASCM waxaan ogaaday soomali hadiii malab afka loogu shuubo way iska tufayaa waxayna doonayaan in Dacar afka loogushubo, baldhageeysta ninkan sheegayaana, ehelusana, 4,sano ayaa ciidamo waladay iyo dibu heshiisiin markaana ladhiso maamul dagdag ah waxani waa qorshe laga soo baaraan dagay sidii loogutalagalay ayeey ku socotaa, kkkkk hado loofadhiyo maamulkii ayaay waxaan jirin kahadlayaan,tani waa ujeedo kaar ah

  2. geesiiyaad tihin socdaa sirtii fakatayna waa uuso odaagey awlibax iin la raabo barheere iyo meelaha kale ee dagan mareexan in aysaan kasoo gaalin yuusf xaaji ayaana sheekadaas ka dambeaa ilaa ay soo buxshaan sharudahaa lagu xiidhay kabiyolax sharuudahas yaan laga yeelin tuugada daarood ku waashay

  3. qooqani says:

    ALSUNADA GEDO WAY KU JIRTAA DOWLAD GOBOLEEEKA JUBOOYINKA ITO GEDO LOO DHISAAYO MARKA NIMANKA DEGAN GALGADUUD IYO NUSOMAREEB WAA IN AY SUUBIYAAN DOWLADA GOBOLEED DASTUURKA AYAA IDIIN FASXAAYO WAXABA HA U SOO HAQALTAAGIIN ARINTA JUBOOYINKA IYO GEDO WAA DHAMAATAY.

  4. mj says:

    allgedo maxaa dhibsateen oo commentskayga u soo postgareen wayseen!!

  5. Sharif Jamac says:

    ASC SALAAN KADIB WAA MUHIIM IN DHINACYO BADAN LAGA EEGO HOWLAHA HORYAALA MAAMUL GOBOLEEDKA 3 DA JUBOOYIN LADOONAYO INLOODHISO SI LOOGA SAARO INAY KASOO MUUQATO WAX DULDULEELO AH SI SIYAASINIMO AH WAXGARADNIMO AH XILKASNIMO AHNA LOO LAFO GURO ARIRIMAHA AMAANKA WADASHAQEYNTA IYO DANTA UMADABA LOODHAMESTIRO WAXAY NALATAHAY ANAGA INAY INAAN SHIRKANA LADADAJIN DIBUDHAC BADANA LAGUSAMEYN LAAKIIN SI DHEXDHEXAAD AH LASAMEEYO SHIRKA IN WAX YAR DIB LOODHIGO MUDO CAYIMAN ILAAN RASUULKEENA SHARAFTA LEH NABAD IYO NAXARIIS KORKIISA HA AHAATEE QEYRUL AMUURI OWSADAHAA OO MACNEHEEDU YAHAY ARIN WAXAA UQER BADAN MIDEEDA DHEXDHEXAADKA AH MARKA SIDAAS HALAYEELO TOLOW