Home » Archive Daily November 19th, 2012

Xasan Daahir oo ka bad baaday isku day lagu qaarajin lahaa

Nov 19, 2012
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in Sh. Xasan Daahir Aweys uu ka bad-baaday fal dil ah oo lagu qaarajin lahaa sidaa waxaa sheegay qaar ka mid ah dadka deegaanka Baraawe. Qarax miino ayaa la sheegay in loo dhigay Shiikha waxaana lagu soo waramayaa inuu ka bad baaday qaraxaasi sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Baraawe oo ahayd goobta qaraxa ka dhacay. Xasan Daahir iyo qaar... 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo si adag kaga hadlay Isbaaro taala Ex-contro Afgooye

Nov 19, 2012
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah guddoomiyaha gobolka Banadir ayaa sheegay in isbaarada Taalo isgoyska Ex-Control Afgooye ay u taalo dad gaar ah kuwaas oo uu sheegay inay si xoog ah ku haystaan. Tarsan oo arrintaan ka hadlayay ayaa yiri “Isbaarada Taala Isgoyska Ex-Control waa mid Xaaraan ah.” Mudane Tarsan ayaa sheegay in ciidamadii ka joogay isgoyskaas ay kasoo qaateen isla markaasna wixii... 

DHAGAYSO: Drs Fowsiyo oo maanta la dhaariyay hadal cusubna jeedisay

Nov 19, 2012
Wasiirka arimaha Dibbada ee dalka Soomaaliya, ahna R/wasaare ku xigeen Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta si rasmi ah xilka kula wareegtay kadib markii xaflad ay ka dhacday xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee magaalada Muqdisho. Wasiirka arimaha dibbada Fowsiya Xaaji ayaa marka hore waxay hambalyo u jeedisay dhamaan shaqaalaha wasaaradaasi iyo wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibbada, iyadoo... 

Dhaq-dhaqaaq dib loogu dhigaayo maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka oo socda iyo beesha Sade oo fekerkaas soo dhaweysay

Nov 19, 2012
Qorshe intii muddo ah socday oo la doonayay in dhawaan maamul loogu sameeyo saddexda gobol ee Jubbada Sare, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose ayaa hadda u muuqda in ay soo wajahday dib u dhac, kaddib markii waxgarad beesha Sade ka tirsan oo kasoo jeeda gobolada la rabay in maamulka loo sameeyo ay arrintaas calaamad su’aal saareen? Shir Teleefaneed ay maanta oo ay taariikhdu tahay November 19, 2012... 

Daawo Xafladii Lagu Tageerayay Maamul u samaynta Gobalada Jubbooyinka ee Seattle Ka Dhacday

Nov 19, 2012
Xaflad si weyn loo soo agaasimay ee Jubbaland Diaspora Support Forum (JDSF) oo ka dhcaday Todobaadka magaalada Seattle ee gobalka Washington ayaa waxaa ksoo qaybgalay siyaasiyiin, aqoonyahano, odayaal dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee kasoo kala jeedo Seddaxda gobal ee Jubooyinka. Hoos ka Daawo Video: C/risaaq A. Carabey “Jeesteeye”, Seattle/Washington.  Read More →

Wax garad rag iyo dumar isugu jira oo kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka oo galabta yeeshay shir Teleefaneed ay uga arrinsanayeen arrimaha Jubbooyinka

Nov 19, 2012
Aqoon yahano iyo indheer garad rag iyo dumar leh oo kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa galabta oo ay taariikhdu tahay November 18, 2012 isugu yimid shir Teleefaneed ay ugu arrinsanayeen arrimo badan oo ay ugu horeyso maamul u sameynta saddexda gobol ee Jubbada Sare, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. Waxgaradkaan oo ugu horeyntii warbixino dhinacyo badan taabanayay ka dhageystay qaar ka mid ah xubnihii... 

Maxay kala yihiin Jubbada Sare iyo Gedo? Keebaa mgac ah, kumaase “naaneys ah” labadaas magac?

Nov 19, 2012
Marar badan waxaan maqalnaa ayada oo qoraal ahaan iyo hadal ahaanba 2 loogu kala saarayo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, haddaba su’aasha meesha ku jirta ayaa waxay tahay xagey ka yimaadeen magac bixinta saddexdaas gobol? Inta la ogyahay, labada gobol ee Jubbada Hoose iyo Jubbada Sare waxaa magacaas u bixiyay gumeystihii Talyaaniga xiligii uu dalka gumesanayay, ayada oo maamulkii xiligaas jirayna... 

Gudoomiyaha magaalada Marka oo ka bad baaday qarax lagu qaarajin lahaa

Nov 19, 2012
Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo lagu weeraray guriga uu magaaladaas ka degan yahay gudoomiyaha Marka. Qaraxa oo ahaa bambaanada gacanta laga tuuro ayaa waxa lalabeegsaday guriga degmada Marka uu ka deggan yahay gudoomiyaha magaaladaasi ugu magacaaban dawlada ee Axmed Macalin Cukaash. Warraka ayaa intaas ku daraya... 

SAWIRO: Faah Faahin Qaraxii ka dhacay Xaafada Islii ee magaalada Nairobi

Nov 19, 2012
Waxaa sii kordhaya qasaaraha uu gaystay qarax xoogan oo shalay galab lala beegsaday gaari nooca dadweynaha ah ee Matut- loo yaqaan. 7 Ruux ayaa geeriyootay ku dhawaad 33 kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray qaraxan ka dhacay deegaanka Section One oo katirsan xaafada Islii ee magaalada Nairobi. Gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa kmaid ahaa kuwa sida maalin laha uga shaqeeya xaafada Islii, waxaana ila aiyo... 

Shabaab iyo dowlada oo Xudur ku dagaalamay iyo guulo lakala sheegtay

Nov 19, 2012
Mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa ayaa ka dhacay gobolka Bakool kadib markii ciidamo katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan ku dhow magaalada Xudur ee xarunta gobolkaas. Wararka ka imaanaya halka dagaalka uu ka dhacay ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamay ee Shabaab iyo dowlada ay isku adeegsadeen hub aan caadi ahayn kaas oo qasaaro dhaliyay. Dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay duleedka...